TOOGASHO QAADATAY 4-DAQIIQO OO KA DHACDAY URDUN.
(MUUQAALKA)-AMABALAASKA.
(AMMAN/JORDAN)-Qof goobjooge ah ayaa ka sheekeeyay faahfaahinta dhacdadii toogashada ahayd ee lagu bartilmaameedsaday kaniisad ku taal magaalada Xamud ee Gobolka Karak ee koonfurta Urdun , taasoo muujinaysa in rag hubaysan ay ka soo degeen gaari xamuul ah oo rasaas ku furay dadkii joogay kaniisadda horteeda, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac.
TOOGASHO QAADATAY 4-DAQIIQO:
Markhaati William Halsa ayaa sheegay in dadkii goobta joogay ay ka qayb qaadanayeen duco loogu duceynayo haweeney dhimatay oo ah ina-adeerkiis tiro ka mid ahna ay taagnaayeen bannaanka kaniisadda, markii gaari xamuul ah oo rasaas ka buuxdo uu istaagay meel u dhow, laba qofna ay ka soo degeen oo ay bilaabeen inay rasaas ku furaan kuwa joogay iyo daaqadaha kaniisadda, halka kuwa joogay ay isku dayeen inay baxsadaan oo ay naftooda badbaadiyaan. Wuxuu intaas ku daray in toogashada ay socotay ilaa afar daqiiqo, iyadoo la beegsaday dadki joogay kaniisadda horteeda iyo albaabka Kaniisadda Xamud, isagoo sharraxay inuu arkay mid ka mid ah ragga hubeysan oo xiran "dishdasha" iyo inuu hubkiisa dib u buuxinayay mar kasta oo rasaastiisu dhammaato.
“XASUUQ AAN HORAY LOO ARAG TAARIIKHDA KARAK”.
Sidoo kale, goobjooge kale oo lagu magacaabo Khaled Burqan ayaa la hadlay AL-Carabiya isagoo ka hadlaya faahfaahinta weerarka, isagoo leh, "Laba nin oo gaari aan la garanayn watay, mid watay bastoolad kan kalena watay Kalashnikov, ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay qoyska Halsa ee kaniisadda ku sugnaa." Burqan wuxuu dhacdadan ku tilmaamay "xasuuq aan horay loo arag taariikhda Gobolka Karak," isagoo xusay inaysan aqoonsanin dadkii weerarka soo qaaday. Wuxuu xusay in tirada dadka ku nool kaniisadda iyo agagaarkeeda ay u dhaxaysay 150 ilaa 200, isagoo tilmaamay in dadka dhintay ay ahaayeen dad da' ah, da'dooduna u dhaxayso 50 ilaa 70, halka tiro badan oo dad ah ay dhaawacmeen, qaarkoodna ay xaaladdoodu halis tahay. Ilo amni ayaa ku warramay in ugu yaraan toddobo qof ay dhinteen, toban kalena ay ku dhaawacmeen, qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, toogasho ka dhacday gudaha kaniisad ku taal Gobolka Karak, oo qiyaastii 118 kiiloomitir koonfur ka xigta caasimadda Amman, sida laga soo xigtay telefishanka rasmiga ah ee Urdun. Hay'adda Amniga Dadweynaha ee Urdun ayaa sidoo kale xaqiijisay in la daba joogo dadkii toogashada ka geystay Karak, iyagoo ka digaya faafinta macluumaad kasta oo ku saabsan dhacdada, waxayna ku boorrinayaan inay u hoggaansamaan hadallada rasmiga ah ee la soo saaray si degdeg ah, iyadoo lagu ciqaabayo isla xisaabtanka sharciga ah.
ISAH-AA.