SUURIYA OO ISKA DIIDAY KU BIIRIDA ABRAHAM ACCORD.

(SAWIRKA)-XUDUUDA SYRIYA IYO ISRAEL.

(DAMASCUS/SYRIA)-Wasiirka warfaafinta Suuriya ayaa Jimcaha maanta ah u sheegay Tv-ga AL Carabiya English in Dimishiq aysan fileynin inay ku biirto Heshiiskii Abraham mustaqbalka dhow, isagoo xusay in Israa'iil ay sii waddo qabsashada dhulka Suuriya, oo ay ku jirto Buuraha Golan. Wasiirka ayaa farta ku fiiqay hadallo uu hore u jeediyay Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac, kaasoo sheegay in waqtiga uu yahay mid aad u deg-deg ah oo aan looga hadli karin wadahadallada lagu hagaajinayo xiriirka Israa'iil. "Suuriya ma noqon karto qayb ka mid ah Heshiiskii Ibraahim sababtoo ah Israa'iil waxay qabsataa dhulkeenna, gaar ahaan Buuraha Golan. Sida Madaxweynuhu sheegayna, Heshiiskii Ibraahim waa heshiis u dhexeeya dowlad aysan Israa'iil qabsanayn dhulkeeda," ayuu ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay AL-Carabiya English. "Ma fileyno inaan qayb ka noqono Heshiiska Abraham, ugu yaraan muddada gaaban iyo muddada dhexe," ayuu raaciyay.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Next
Next

MUKALLA OO DIB LOOGALA WAREEGAY GOONI U GOOSATADII.