SEDDEX KHABIIR OO U KALA DHALATAY CIRAAQ IYO IRAAN OO LAGU DILAY YEMEN.

(MUUQAALKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.

(TICIS/YEMEN)-Saddex khabiir oo ajnabi ah oo lala xiriirinayo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa lagu dilay Yemen Khamiista maanta ah ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda, sida ay ilo wareedyo militari oo Yemen ah u sheegeen AL Carabiya English. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in mid ka mid ah saddexda qof uu ahaa muwaadin u dhashay Ciraaq halka labada kalena ay ahaayeen muwaadiniin Iiraaniyiin ah. Dhanka kale, taliyaha Guutada Saddexaad ee Xuutiyiinta oo lagu magacaabo "Guutooyinka AL-Fatax" ayaa ku dhaawacmay weerar diyaarad aan duuliye lahayn. Wariyaha AL-Carabiya ayaa horey u soo sheegay iska horimaadyo xooggan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa la shaqeeya dowladda oo ay la galeen Xuutiyiinta xeebta galbeed ee Gobolka Ticis/Yemen. Iskahorimaadyo xooggan ayaa ka dhacay dhowr meelood oo ay ku jirto jiida AL-Barax ee degmada AL-Muqbanah gobolka Ticiz iyo Jabal Dubas ee degmada Xays, koonfurta Gobolka Xudeydah. Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay la kulmeen "khasaare xooggan" ka dib markii ay isku dayeen inay galaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda. Taliyaha Ciidanka Iska caabinta Qaranka ee Degmada AL-Barax S/Guuto Nucmaan AL-Fatimi ayaa u sheegay AL Carabiya English in ciidamadu ay la yaabeen Xuutiyiinta xeelado dagaal oo cusub oo ay ku lug leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo u gudbinaya "casharro adag" iyagoo adeegsanaya macluumaad ay heleen sirdoonka kooxda.

ISHA-AA.

Next
Next

MARKAB LAGA AFDUUBAY GACANKA CADMEED LOONA WATAY SOOMAALIYA.