SARKAALKII U SAREEYEY SIRDOONKA GEN.XAFTAR OO CAAWA LA DILAY.
(MUUQAALKA)-SAREEYA GAAS-ALMANSURI.
(BENGHAZI/LIBYA)-BREAKING NEWS:-Sareeya Gaas Fawzi AL-Mansouri, oo ahaa Madaxa Sirdoonka militariga ee ciidamada Haftar , ayaa la dilay ka dib markii gaarigiisa lagu bartilmaameedsaday qarax la farsameeyay (IED) degmada AL-Xawari ee magaaladda Benghazi. Warbaahinta Liibiya ayaa sheegtay in qaraxu uu dhacay ka dib markii AL-Mansouri uu ka baxay salaadda fiidnimo, isagoo gaarigiisa ku bartilmaameedsaday xaafadda Sayida Caa’isha. Haftar ayaa AL-Mansouri u magacaabay madaxa sirdoonka militariga bishii Maajo 2024, ka dib markii uu ahaa taliyaha Gobolka Sabha tan iyo bishii Agoosto 2021-kii. Dalka Libiya ayaa ka mid ah wadamadda Carbeed ey weli ka taagan tahay dhibaatada Siyaasadeed iyo mida amni tah=n iyo markii xukunka laga tuuray Korneel Macamar AL-Qadaafi, waxaane jiro xoogag shisheeye oo door muuqdo ku leh xaaladda Nabadda iyo Siyaasadda dalka Libiya ee waqtigaan taagan, waxaane ugu horeeyo wdaamadda Turkiga iyo Imaaraatka Carabta.
ISHA-ARABY-21.