SARAAKIIL SARE OO XUUTIYIIN AH AYAA KU SUGAN DALKA CIRAAQ.

(MUUQAALKA)-CIRAAQ.

(BAGHDAD/IRAQ)-Ilo wareedyo Ciraaqiyiin ah ayaa u xaqiijiyay Tv-ga Caalamiga ah ee AL-Carabiya inay baahiyeen warar sheegaya in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku sugan yihiin dhulka Ciraaq. Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in joogitaanka Xuutiyiinta ee Ciraaq ay la socdaan kooxaha Ciraaq iyo Xisbullah-ka Lubnaan, iyo in sarkaalka mas'uulka ka ah faylka Ciraaq ee Ilaalada Kacaanka, Xaaji Xamed, uu abaabulo joogitaanka Xuutiyiinta ee Ciraaq. Ilo-wareedyadu waxay tilmaameen in Xuutiyiintu aysan xafiisyo gaar ah ku lahayn Ciraaq, balse ay xarun amni oo wadajir ah ku leeyihiin kooxaha Ciraaq ee Jurf AL-Sakhr. Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xubnaha ugu cadcad Xuutiyiinta ee ku sugan Ciraaq ay kala yihiin Abu Idris AL-Sharafi, Abu Cali AL-Cizzi, iyo Muxammad Cabdul-Adiim.

ISHA-AA.


Previous
Previous

WARSHADA SIFEYNTA BATROOLKA LIIBIYA OO LA XIRAY.

Next
Next

9-DIYARADOOD OO DRONES AH OO XALAY LAGU WEERARAY MADAXTOOYADDA XUUTIYIINTA EE SANCA.