SACUUDIGA OO SIFEYN KA WADA GUDAHA DALKIISA SOONA QABTAY….
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA AMAANKA SACUUDIGA.
(RIYADH/KSA)-Wararka aan ka heleyno dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegaayo in Mas'uuliyiinta Sacuudiga ay xireen dad gaaraayo ilaa 19,975 qof hal toddobaad gudahiisa, dadkaas ayaa ku xadgudbay xeerarka degenaanshaha, shaqada iyo amniga xuduudaha, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga Sabtida maanta ah. Wadarta guud ee dadka la qabtay ayaa ah 12,906 qof, waxaane loo xiray xadgudubyo ka dhan ah sharciyada degenaanshaha, halka 3,918-qof loo xiray isku dayo sharci darro ah ey ku doonayeen iney kaga gudbaan xuduudaha, iyo 3,151-qofood oo kale ayaa loo xiray arrimo la xiriira dhinaca shaqada. Warbixintu waxay muujisay in 1,716-qof la xiray iyagoo isku dayaayey inay si sharci darro ah ku galaan Boqortooyada, 60- boqolkiiba waxa ey yihiin dad Itoobiyaan, 39-boqolkiiba waa Yemeniyiin, iyo 1-boqolkiiba waxa ey yihiin Jinsiyado kale. 48-qof oo kale ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay u gudbaan dalalka deriska la ah, 11-qofood oo kalena waxaa loo xiray inay ku lug lahaayeen Gaadiid iyo Hoy ay ku jireen dadka jebiya sharciga, sida ay sheegtay SPA. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in qof kasta oo lagu helo inuu fududeynayo gelitaanka sharci darrada ah ee Boqortooyada, oo ay ku jiraan bixinta gaadiidka iyo hoyga, uu wajihi karo xabsi ugu badnaan 15 sano, ganaax dhan hal milyan oo Riyaalka Sacuudiga ah kuna dhigmo ($267,000), iyo sidoo kale in lagala wareego gawaarida iyo hantida.
XIGASHO-AN.