SACUUDIGA OO QABTAY NIN DIL KA GEYSTAY ADDIS ABABA.
(SAWIRKA)-QOFKA GEYSTAY DILKA.
(JEDDAH/KSA)-Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, hay'adaha amniga ee labada dal(Sacuudiga iyo Itoobiya) ayaa bilaabay is-weydaarsiga macluumaadka waxayna faafiyeen xogta tuhmanaha isla markii laga shakiyay ku lug lahaanshihiisa dambiga, taasoo gacan ka geysatay dabagalka iyo xiritaanka isla markii uu yimid dalka Boqortooyada sacuudiga, iyadoo looga shakisan yahay inuu xiriir la lahaa dilkii Ganacsade reer Yemen ah oo lagu magacaabo Fadl Saleh Abdul Rahman AL-Cawadi. Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa AL-Cawadi ku helay dil gudaha gurigiisa oo ku yaal caasimadda Addis Ababa. Mas'uuliyiinta ey khuseyso dhacdadaan ayaa bilaabay baaritaankooda si ay u soo bandhigaan duruufaha, sababaha, iyo xaaladaha ku xeeran dambiga, ka hor inta uusan dhacdadan markii dambe ogaan shaqaale nadaafadeed oo u warramay mas'uuliyiinta ay khuseyso. Ilo wareedyo ka tirsan qurbajoogta Yemen ayaa sheegay in AL-Cawadi, oo ku nool Sacuudi Carabiya, uu booqasho gaaban ku yimid Itoobiya isla markaana uu martigeliyay qof u dhashay Yemen dhowr maalmood ka hor inta uusan dambigu dhicin, iyadoo ay jiraan calaamado amni oo muujinaya suurtogalnimada inuu ku lug lahaa, iyada oo aan weli la soo saarin go'aan kama dambays ah oo maxkamadeed. Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in habraacyada sharciga ay wali socdaan iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka isku-dubaridka amniga ee u dhexeeya Riyadh iyo Addis Ababa, si loogu diyaar garoobo dhammaystirka baaritaannada iyo qaadashada tallaabooyinka garsoorka ee lagama maarmaanka ah iyadoo la raacaayo Xeerarka Khuseeyo. Ganacsadaha reer Yemen ee Addis lagu khaarijiyey ayaa magaciisa la oran jiray Fadli Saalax AL-Cawaadi AL-Yaafici,dilka ayaa dhacay taariikhdu markeey ahayd 30/1/2026-ka.
XIGASHO-AL-CUKAADH.