SACUDIGA OO DUQEYEY FARISIMO EY LEEYIHIIN GOONI U GOOSATADA YEMAN.

(SAWIRKA)-GOOBIHII LA DUQEEYEY.

(HADRAMOUT/YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga uu duqayn dhinaca cirka ah ku qaaday isu imaatinka ciidamada Golaha Ku-meel-gaarka Koonfureed (STC) oo ay taageerto Imaaraadka Carabta ee ku sugan gobolka Xadarmuut, bariga Yemen, taasoo ah horumarkii ugu muhiimsanaa ee ka dhaca dagaalka dhulka tan iyo markii kooxda STC ay la wareegtay gacan ku haynta gobollada AL-Mahra iyo Xadarmuut horraantii bishan Diseembar-2025-ka. Ilo wareed ayaa u sheegay Warbaahinta AL-Masdar Online in duqeyntu ay ahayd digniin lagu joojinayo soo gelitaanka ciidamada daacadda u ah Cayduruus AL-Zubeydi oo u dhow xerada Nahab ee Ghayl Bin Yamin, mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Dhaqdhaqaaqayaasha ku sugan Xadarmuut ayaa soo dhigay muuqaallo muujinaya raadad qiiq ah ka dib duqeyntii cirka. Horumarradan dhulka ka dhacay ayaa yimid saacado ka dib markii war-saxaafadeed xooggan laga soo saaray Sacuudi Carabiya, kaasoo loogu baaqay Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfureed (STC) inay ciidamadooda kala baxaan gobollada ey horay u qabsadee ee kala ah Xadarmuut iyo Al-Mahra. Bayaanka ayaa lagu sheegay in ficillada STC ay ahaayeen "tallaabo hal dhinac ah" oo la qaaday iyada oo aan la helin oggolaanshaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha iyo hoggaanka Isbahaysiga Carabta. Shalay, iska horimaadyo xooggan ayaa ka dhex qarxay ciidamada STC iyo rag hubaysan oo ka tirsan Isbahaysiga Qabiilka Xadarmuut ee ku sugan aagga buuraleyda ah ee Khard, oo ku yaal Buuraha AL-ceys ee waqooyiga magaalada AL-Shixar, iyadoo si xooggan loo adeegsaday noocyo kala duwan oo hub ah. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay AL-Masdar Online in iskahorimaadyadu ay sababeen khasaare labada dhinac ah, halka muuqaallada internetka lagu baahiyay ay muujinayaan shaqsiyaad dhaawac ah oo gaaray Isbitaalka AL-Shixar si loogu daweeyo, iyadoo ay jirto xaalad feejignaan sare leh oo ay ku jiraan shaqaalaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Warbixin la xiriirta arrintan, ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada "Taageerada Amniga" ee STC oo xiriir la leh ay dab qabadsiiyeen teendhooyin ku yaal xerada Wadi Nahab oo ka tirsan Isbahaysiga Qabiilka Xadarmuut ee degmada Ghayl Bin Yamin, taasoo sii kordhisay xiisadaha iyo ballaarinta isku dhacyada ka socda aagga. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in madaxa Isbahaysiga Qabiilada Xadarmuut, Sheikh Amr bin Xabrish, uu yimid Sacuudi Carabiya ka dib markii uu martiqaad ka helay Boqortooyada si uu ugala tashado sii socoshada xiisadda ka taagan Xadarmuut ee Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurt oo ey taageerto Imaaraatka Carabta.

XIGASHO-AL-MASDAR ONLINE.

Next
Next

QARAX LAGU AASAY GUDAHA MASJID KU YAALO SURIYA OO DAD KU…