RUUSHKA OO ISKA DIIDAY INUU SHEEGO HALKA UU DEGAN YAHAY BASHAAR AL-ASAD.

(SAWIRKA)-BASHAR AL-ASAD.

(MOSCOW/RUSSIA)-Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa ku dhawaaqay in Kremlin-ka aysan la wadaagi karin wax macluumaad ah oo ku saabsan guriga uu Ruushka ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar AL-Assad. Mar wax laga weydiiyey in Kremlin-ka laga yaabo inuu bixiyo wax macluumaad ah oo ku saabsan joogitaanka madaxweynihii hore ee Suuriya ee Ruushka, iyo in Assad uu muddadaas la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuu ku yiri war-saxaafadeed Isniintii: "Maya, ma wadaagi karno wax macluumaad ah oo arrintan ku saabsan." Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in Moscow ay hoy siisay Assad iyo qoyskiisa "sababo bini'aadantinimo oo kaliya ah". Lavrov ayaa u sheegay suxufiyiinta wakhtigaas: "Bashaar al-Assad wuxuu nagula joogaa arrimo bini'aadantinimo, waxaa jiray hanjabaado la doonayay in la dilo isaga iyo qoyskiisa, sababo bini'aadantinimo oo kaliya ayaan u ilaalinay isaga iyo qoyskiisa." Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, wiilka Assad ee Hafez ayaa ka soo muuqday muuqaal la soo dhigay baraha bulshada, isagoo dhex wareegaya xaafad sare oo ku taal Moscow, isagoo ka hadlayay maalmihii ugu dambeeyay ka hor dhicitaanka nidaamka. Hafez wuxuu ku sheegay muuqaalka ay warbaahintu faafisay: "Ma qorsheynay inaan ka cararno Suuriya, laakiin Ruushka ayaa si degdeg ah noogu wareejiyay Moscow burburkii Dimishiq ka dib." Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii bishii November ee sanadkii 2024-kii ay kooxo hubeysan ay weerar ballaaran ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Suuriya, waxaana 8-dii bishii December ay kooxahani galeen magaalada Dimishiq, sidaas darteedna Asad uu iska casilay xilkii madaxweynenimo ee uu hayay, wuxuuna isaga iyo qoyskiisaba isaga baxay dalka Suuriya.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

SUURIYA OO LAGU DILAY HOGAAMIYE DIIMEED DRUZ AH.

Next
Next

URURKA XIZBULLAH OO KA HADLAY DAGAALKA ISRA’IIL.