RAMADAANKA OO DUNIDDA MEELO KA MID AH KA BILAABANAYA BERRI OO ARBACA AH.
(SAWIRKA)-RADAAN KARIIM.
(RIYADH/KSA)-Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in dayaxa bisha Ramadaan laga arkay Boqortooyada. Sidaa darteed, Ramadaanku wuxuu bilaaban doonaa Arbacada, Febraayo 18, Muslimiintuna waxay ka fogaan doonaan cunista iyo cabista laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax dhaca bisha barakaysan. Waa bisha sagaalaad ee kalandarka Islaamka waxaana Muslimiinta adduunka oo dhan u arkaan bil soon, duco wadaag ah, milicsi, iyo bulsho. Muslimiintu waxay sidoo kale aaminsan yihiin in Qur'aanka loo soo dejiyay Nabi Muxamed bishaan dhexdeeda. Bisha barakaysan waxay ku soo gabagaboobaysaa dabaaldegga Ciidul Fidriga. Dalalka ilaa hadda la xaqiijiyey iney berri Soon u tahay ayaa waxaa ka mid ah”Soomaaliya, Sacuudiga, Yemen, Imaaraatka Carabta, Qadar, Baxreyn, Kuweyt, Falastiin”. Dalalka iyagana sheegay iney Soomka bilaabi doonaan maalinta Khamiista ah kuna beegan 19/2/2026-ka ayaa waxaa ka mid ah”Turkiga, Cumaan, Singabuur, Maleesiya, Australia”. Dhinaca kale, wadamada caalamka qaarkood ayaa laga Soomaa wax ka badan 15-saacadood amaba 20-saac, tusaale ahaan dalalka dhaca Waqooyiga Yurub sida Finland, Noorweey, Sweden, Ayslaand ayaa ah kuwa laga Soomo saacadaha ugu badan adduunka oo dhan,waxaane laga Soomaa mararka qaarkood inta u dhexeyso 20-saac ilaa 30-saac waqtiyadda qaarkood sabab la xiriirta Maalinta oo aad u dheer, laakinse dawladaha Finland, Ruushka, Noorweey, Sweden iyo Ayslaand waxaa laga Soomaa inta badan 20 ilaa 23-saacadood.
XIGASHO-WAKAALADDO.