RAG LOO SOO QABTAY DILKII WARIYE AL-CEYDAH.
(SAWIRKA)-WARIYE AL-CEYDAH.
(ADEN/YEMEN)-Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen, Rashad AL-AL-caleymi, ayaa Jimcaha maanta ku dhawaaqay in la xiray xubnaha kooxda ku lugta lahaa dilka weriye Moxammed Ceydah oo ka tirsan AL-Arabiya/AL-Hadath . AL-Caleymi ayaa sidoo kale sharraxay in xubnaha ku lugta lahaa dilkii Ayda la horgeyn doono maxkamad toddobaadka soo socda. AL-Ceydah waxaa la dilay Juun 25/2026 markii gaarigiisa loogu xiray waxyaabaha qarxa gudaha magaalada Mukalla ee Gobolka Xadarmut, bariga dalka Yemen.
WUXUU AHAA AABE AFAR CARUUR AH DHALAY:
Waxaa xusid mudan in Maxamed Ceydah uu ku dhashay degmada Sharcab, oo ka tirsan gobolka Ticiz sanadkii 1986, waana aabbe leh hal wiil iyo saddex gabdhood. Wuxuu xirfadiisa ka bilaabay Sanca isagoo ah kamarad qaade telefishan oo ka tirsan kanaalka Yemen ee "AL-Saciida", ka dibna wuxuu la shaqeeyay kanaalka "AL-Xurra". Dabayaaqadii 2018, waxaa daba socday oo ku dhawaaday inay xiraan dabley ku sugan Sanca, ka dib markii ay weerareen gurigiisa, ay argagax geliyeen qoyskiisa, ayna dhaceen hantidiisa. Tani waxay ku kalliftay inuu ka tago Sanca oo uu u guuro Cadan, ka hor inta uusan markii dambe ku biirin AL Carabiya oo uu dego magaalada Mukalla si uu u sii wato shaqadiisa saxaafadda. Wuxuu sawir qaade iyo wariye madax-bannaan u shaqeynayay AL Carabiya tan iyo 2019, isagoo ka soo warramaya dhacdooyinka siyaasadeed, horumarineed iyo amni ee ugu caansan gobollada bari ee Yemen, laga bilaabo xeebta iyo dooxada Xadarmut iyo lamadegaanka ilaa Gobolka AL-Mahrah.
ISHA-AA.