QOYS KA KOOBAN SAGAAL QOF OO QAXOOTI AH OO LAGU DILAY LUBNAN.
(SAWIRKA)-GOOBTA LA DUQEEYEY.
(BEIRUT/LUBNAN)-DEG DEG:-War deg deg ah oo inaga soo gaaray caasimadda dalka Libnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Sagaal qofood oo qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo jeeda isla qoyskaas, oo ay ku jiraan lix carruur ah, ayaa Sabtidii shalay ahayd lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo Israa'iil ay la beegsatay guri la deggan yahay oo ku yaal Koonfurta dalka Lubnaan, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Lubnaan. Wakaaladda wararka ee dawladda Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ay duqeeyeen guri ay dad rayid ah ku noolaayeen oo ku yaal magaalada Cadluun, oo u dhow magaalada koonfureed ee Sidon (Saida). Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in meydadka laga soo saaray burburka ay ahaayeen isla qoyskaas. Israa'iil ayaa sii wadatay weeraradeeda Lubnaan inkastoo xabad joojin dhaqan gashay Abriil 17, taasoo la kordhiyay 45 maalmood laga bilaabo 17-ka Maajo ka dib wadahadallo dadban oo uu dhexdhexaadinayay Mareykanka.
ISHA-AA.