QARAX KA DHACAY SURIYA AYAA SHAN KU DHIMATAY SHANNE EY KU DHAWACANTAY.

(MUUQAALKA)-CIIDAMADDA SURIYA.

(DAMASCUS/SYRIA)-BREAKING NEWS:-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacmeen Talaadada maanta ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen rasaas uu ku qarxay Waqooyi-galbeed dalka Suuriya, sida laga soo xigtay warbaahinta Suuriya ee AL-Ikhbariya. Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Binnish ee baadiyaha Idlib, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA, iyadoo soo xiganaysa ilo amni oo aan la magacaabin. Agaasinka Gurmadka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Idlib ayaa horey u sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa halka shan kalena ay ku dhaawacmeen. Warbaahinta Suuriya ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta qaraxa iyo cidda iska lahayd gaariga. LA SOCO WIXI KA SOO KORDHO.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DAGAALKA MARAYKANKA IYO IRAAN OO MARKA BILAWDAY MAANTA.

Next
Next

WARAR DHEERAAD AH OO KA SOO BAXAY DILKII AFHAYEENKA DAACISH.