MW-TRUMP OO ISRA’IIL UGU BAAQAY INEY SI DEG DEG AH U JOOJISO DUQEYNTA MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-TRUMP IYO NETANYAHU.

(WASHINGTON)-BREAKING NEWS: Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa goor dambe oo Jimcada maanta ah ugu baaqay Israa'iil iney "Si deg deg ah u joojiso duqeymaha Gaza" ka dib markii Xamaas ey ka jawaabtay Qorshihiisa Nabadeed ee dagaalka. "Iyada oo ku saleysan Bayaanka ey hadda soo saartay Xamaas, waxaan aaminsanahay in ey diyaar u yihiin nabad waarta, Israa'iil waa in ey si deg deg ah u joojiso duqeynta Gaza, si aan u soo saarno la Haystayaasha si nabad ah oo deg deg ah." Trump ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Runta. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in arrintan eysan khuseyn Gaza oo keliya. "Tani waxay ku saabsan tahay muddo dheer oo la raadinayey NABAD Bariga Dhexe," ayuu raaciyay. Hadalka Trump ayaa yimid wax yar ka dib markii Xamaas ey soo bandhigtay jawaabta ey ka bixisay Qorshihiisa Nabadeed ee ka kooban 20-ka qodob, kaasoo ogolaansho dadweyne ka helay tobannaan waddan oo ey ku jiraan dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah ee hoggaaminaya. Bayaan ey soo saartay Xamaas ayay ku soo dhaweysay qorshahan balse waxay codsatay in faah faahin dheeri ah laga bixiyo qodobada qaar, taasoo keentay in la is weydiiyo in ey ogolaadeen qabyo qoraalka iyo in kale. Kooxdu waxay sheegtay iney aqbali doonto in la sii daayo dhammaan la Haystayaasha Israa'iil, kuwa nool iyo kuwa dhintayba, waxayna caddeeyeen iney diyaar u yihiin iney si deg deg ah u dhexgalaan, iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha, si looga wada hadlo qorshaha. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay iney aqbali doonto in maamulka Marinka Gaza lagu wareejiyo Hay’ad Falastiiniyiin ah oo ka kooban farsamo-yaqaano Madax-bannaan. Weli, ma eysan soo hadal qaadin hub ka dhigista, taas oo ah dalabka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Isra’iil. Trump ayaa horraantii Jimcihii siiyay waqti kama dambays ah Xamaas iney ka jawaabto Axadda haddii kale "dhammaan cadaabta" ey dillaaci doonto.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

WHO OO KA DEYRISAY XAALADDA CAAFIMAAD EE CARUURTA GAZA.

Next
Next

XARAKADDA XAMAAS OO AQBASHAY SOO JEEDINTII MW-TRUMP.