LABA ASKERI OO CIIDAMADA CIRKA IMAARAATKA AH OO GEERIYOODAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA CIRKA IMARATKA.

(DUBAI/UAE)-Wararka ka imanaayo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in laba askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka Carabta ey Isniinta maanta ah dhinteen ka dib markii diyaaradd helikobtarka ah ey la socdeen ey burburtay sababo la xiriira "cilad farsamo," ayay tiri Wasaaradda Difaaca. "Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhawaaqday shahiidnimada laba xubnood oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ka dib markii diyaarad helicopter ah ay burburtay sababo la xiriira cillad farsamo iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran ee dalka Isniinta maanta ah," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay X. Axaddii, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay iska difaacayaan waxa ay ku tilmaameen "gardarro naxariis darro ah oo aan loo meel dayin" oo ay Iiraan ku qaadayso, taasoo in ka badan toddobaad waday weeraro ka dhan ah Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale ee gobolka. Febraayo 28, Mareykanka iyo Israa'iil waxay weerarro ku qaadeen Iiraan taasoo dishay hoggaamiyahooda ugu sarreeya isla markaana kicisay dagaal goboleed. Iiraan waxay kaga jawaabtay weeraro diyaaradeed iyo gantaallo ah oo ka dhacay Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan weeraro ka dhacay waddamada deriska ah oo sheegay inaysan ku lug lahayn colaadda ama aysan u oggolaan dhinacyada dagaallamaya inay weerarro ka soo qaadaan dhulkooda. Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Moxamed bin Zayed ayaa Sabtidii sheegay in Imaaraadka Carabta ay ku jiraan "waqti dagaal" isla markaana ay "ka soo bixi doonaan mid xooggan".

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CIRAQ KU BOORIYEY ILAALINTA DHISMAHA SAFAARADOODA.

Next
Next

RAMLA IYO RAXMA OO UGU DAMBEYNTII LA KALA FUJIYEY.