KHUABRO KA TURSAN ILAALADDA KACAANKA IRAAN OO GAARAY MOKHA.

(MUUQAALKA)-XEEBTA MOKHA.

(TAIZ/YEMEN)-Khubaro ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan oo la shaqeynaya maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa booqday gobolka Bab AL-Mandab si ay uga wada hadlaan rakibidda Raadaarka iyo inay kormeeraan qodista godadka dhulka buuraha leh ee ka soo horjeeda marin-biyoodka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Faransiiska Sabtidii, iyagoo soo xiganaya laba ilo-wareed oo militari ah oo xiriir la leh kooxda. Labada ilo-wareed, sida uu ku warramay wargeyska Asharq Al-Awsat oo ka soo xiganaya wakaaladda wararka Faransiiska, ayaa sheegay in khubarada Iiraan ay booqdeen aagga Bab AL-Mandab, dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Mokha, iyo xerada Jabal AL-Naar ee bariga Mokha, ka dib markii ay ka yimaadeen Gobolka Xudeydah, waxayna sameeyeen booqashooyin gaar ah Khamiistii iyo Jimcihii. Waxay intaa ku dareen in khubaradu ay kormeerayeen shaqada qodista godka buuraha ee dul mara Mokha iyo Bab AL-Mandab, waxayna ka wada hadleen rakibidda raadaarada meel u dhow Mokha iyo gudaha Jasiiradda Zaqar ee koonfurta Badda Cas. Xaaladdan oo kale, ilo wareedyo ka tirsan dowladda Yemen ayaa u sheegay wakaaladda in dagaalku uu sii xoogeystay oo u dhexeeya maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan iyo ciidamada dowladda ee ku hareeraysan buuraha Kahbub ee ka soo horjeeda gobolka Bab AL-Mandab. Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii kordheyso xiisadda Yemen tan iyo bishii Luulyo ee la soo dhaafay, iyadoo ay jirto xiisadda Bariga Dhexe ee u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

ISHA-AM.


Next
Next

CIRAAQ O0 SHEEGTAY INEYSAN AQBALEYN IN DHULKEEDA LAGA WEERARO DERISKEEDA.