ITOOBIYAAN TAHRIIBINAAYO QAAD IYO DAROOGO OO LAGU QABTAY XUDUUDA YEMEN IYO SACUUDIGA.

(MUUQAALKA)-DAD LAGU QABTAY XUDUUDKA YEMEN IYO SACUUDIGA.

(JAZAN/ASIR/KSA)-Ilaalada Xuduudaha ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xiray siddeed muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku xadgudbay Sharciga Amniga Xuduudaha saddex kiis oo kala duwan ayaa ka kala dhacay Asir iyo Jazan, iyagoo qabtay 280 kiilo oo qaad ah iyo 52 kiilo oo Xashiishad ah. Magaalada Casir, ciidamada ilaalada xuduudaha ee qaybta AL-Rabwah ayaa xiray laba muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku xadgudbay Sharciga Amniga Xuduudaha isla markaana isku dayay inay tahriibiyaan 200 kiilo oo qaad ah. Kiis kale oo ka dhacay Casir, ciidamada ilaalada xuduudaha ee qaybta Dhahran AL-Janub ayaa xiray laba muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku xadgudbay Sharciga Amniga Xuduudaha isla markaana isku dayay inay tahriibiyaan 52 kiilo Garaam oo xashiishad ah. Dhanka kale, Jazan, ciidamada ilaalada xuduudaha ee qaybta AL-Deer ayaa xiray afar muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku xadgudbay Sharciga Amniga Xuduudaha isla markaana isku dayay inay tahriibiyaan 80 kiilo oo qaad ah. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in la dhammeeyay habraacyadii sharciga ee ugu horreeyay ee ka dhanka ahaa eedaysanayaasha saddexda kiisba, waxaana lagu wareejiyay hay'adda awoodda u leh badeecooyinka sharci darrada ah.

ISHA-KSA.

Previous
Previous

AMIIRKA SHAARIQA/UAE OO ANSXIYEY 470-KURSI OO DEEQ WAXBARASHA AH SANNADKA 2026/2027.

Next
Next

DALKA LIIBIYA QEYBO KA MID AH OO AAN LAHAYN KORONTO.