ITOOBIYAAN QAAD TAHRIIBINAAYO OO LAGU QABTAY XUDUUDA SACUUDIGA.

(MUUQAALKA)-SAGAAL ITOOBIYAAN AH OO LA QABTAY.

(JAZAN/KSA)-Ciidamada ilaalada xuduudaha ee qaybta Al-Dayer ee Gobolka Jazan ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xiray sagaal muwaadin oo ey dhalashadoodu wada tahay Itoobiyaan kuwaaso ku xadgudbay Xeerarka Amniga Xuduudaha iyagoo si sharci darro ah dalka Sacuudiga ku soo geliyey ilaa 200 kiilo oo Qaad ah oo laga soo saaray warshadda maandooriyaha. Agaasinka Guud ee Ilaalada Xuduudaha ayaa sheegay in la dhammeeyay habraacyada sharciga ee bilowga ah ee ka dhanka ah kuwa la xiray, isla markaana loo wareejiyay hay'adaha ay khuseyso. Agaasinku wuxuu ku boorriyay dadweynaha inay soo sheegaan dadka daroogada ka ganacsada iyo kuwa dalka u soo tahriibiya iyagoo wacaya 995 ama u soo diraya emayl 995@gdnc.gov.sa . Waxay ku nuuxnuuxsadeen in dhammaan warbixinnada sir ah loola dhaqmi doono isla markaana qofka soo sheega xogtaas uusan mas'uul ka ahayn. Inta badan dadka u tahriibo dalka Yemen gaar ahaan kuwooda gaara Caasimadda Sanca ayaa gacanta u gala kooxo manaxayaal ah isuguna jira jinsiyado kala duwan eyna Soomaalida qeyb ka tahay,dadkaan ayaa dadka masaakiinta ah ugu been sheega iney geynayaan gudaha dalka Sacuudiga balse arrinkaasi ma aha mid hadda u sahlan sidii hore u dhici jirtay waayo dagaalka ka socdo gobolka iyo ilaaladda xuduudaha Sacuudiga oo si aad ah uga feejigan kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sababay in la qabto tahriibayaal fara badan todobaadyadan kuwaaso u badan Xabashida,waane ey ku yar yihiin Soomaalida waayo Soomaalidu ma jecla iney dusha u ritaan tahriibinta Qaadka la geynaayo gudaha Sacuudiga, oo waa ey ogyihiin in Qaadku ka yahay Sacuudiga Daroogo qoortana la isu dheereynaayo.

ISHA-GAZETTS.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGAY INEY WEERARI DOONAAN SALDHIGYADA ISRAEL EE SOMALIA.