ISRA’IIL OO WEERARTAY K/LUBNAAN MAR KALE.

(SAWIRKA)-GAARI GARGAARKA DEG DEGA AH.

(BEIRUT)-Wararka laga helaayo dalka Lubnaan ayaa sheegaay in laba qof ey ku dhinteen duqeymo kala duwan oo ey Israa'iil ka geysatay koonfurta dalkaas Arbacada, iyadoo milateriga Israa'iil ey sheegeen iney dileen sarkaal ka tirsan Ururka Xisbullah, inkastoo xabbad-joojin ey labada dhinac dhex-martay. "Weerar ey qaadeen diyaaradaha Israa'iil oo ey ku qaadeen baabuur marayay Wadi AL-Xujayr ayaa waxaa ku dhintay hal qof," Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay, iyada oo tixraacaysa meel 12 kiiloomitir (toddobo mayl) u jirta xadka. Markii dambe waxay sheegtay in weerar gaar ah oo Israa’iil ey ka geysatay Xanin, oo ku taal Koonfurta u dhow xudduudda, "Ey ku dileen hal qof mid kalena ey ku dhaawacmeen." Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadooda cirka ey "Garaaceen oo ey baabi'iyeen" xubin ka tirsan ciidamada sare ee Xisbullah ee Radwan Force aagga Qantara, oo u dhow Wadi AL-Xujayr. Israa'iil ayaa sii waday duqeymaha ey ku hayso Lubnaan tan iyo bishii Nofeembar 27-keedii xabbad joojinta taasoo inta badan joojisay in ka badan hal sano oo colaadeed oo ey kula jirtay Ururka Xisbullah, oo ey ku jiraan laba bilood oo dagaal socday. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in 17 jir ku dhaawacmay weerar ey Israa’iil ku qaadday Koonfurta Lubnaan ee Caytaruun Talaadadii uu dhintay, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa weerarkaas laba qof. Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in duqeynta ey sidoo kale ku dileen sarkaal ka tirsan Xisbullah. Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegay in "ugu yaraan 71 qof oo rayid ah" ey ciidamada Israa'iil ku dileen Lubnaan tan iyo xabbad joojinta. Xildhibaan Xasan Fadlallah oo ka tirsan Xisbullah ayaa todobaadkii hore sheegay in 186 qof la dilay tan iyo intii uu socday xabbad joojinta, isagoo aan sheegin tirada xubnaha Ururka. Wasaaradda caafimaadka kama aysan jawaabin codsiyada AFP ee ku saabsan tirooyinka la cusboonaysiiyay. Heshiiska xabbad joojinta ayaa lagu saleeyay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ciidamada Lubnaan iyo kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ey noqdaan ciidamada kaliya ee Koonfurta Lubnaan, wuxuuna ku baaqayaa in hubka laga dhigo dhammaan kooxaha aan dawliga ahayn. Xabbad-joojinta, Xisbullah waxay ahayd iney ka saarto dagaalyahannada koonfurta webiga Litaniya ee Lubnaan oo ey burburiso wixii kaabayaal ciidan ah oo halkaas ku haray.
Israa'iil waxay ahayd iney dhammaan ciidamadeeda kala baxdo Koonfurta Lubnaan, in kasta oo ey sii wadato shan goobood oo ey u aragto "istaraatijiyad." Ciidamada Lubnaan ayaa ku soo daad gureeyay koonfurta u dhow xuduudka iyadoo ciidamada Israiil ey isaga baxeen. Ilo ku dhow Xisbullah ayaa u sheegay AFP Sabtidii in kooxdu ey u gacan gashay ciidamada Lubnaan ku dhawaad ​​190 ka mid ah 265 goobood oo ey ku sugan yihiin militariga oo lagu aqoonsaday koonfurta Litaniya.

ISHA ARAB NEWS.

Previous
Previous

URURKA XAMAAS OO KU DHAWAAQAY INUU DIYAAR U YAHAY…

Next
Next

DUQEYN AAD CULUS OO KU SOCOTA XUUTIYIINTA.