ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY XERADA QAXOOTIGA NUSEYRAAT.

(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA NUSEYRAAT.

(MARINKA GAZA)-Wararka laga helaayo Marinkka Gaza ayaa sheegaayo in afar Falastiiniyiin ah oo mid ka mid ah uu si xun u dhaawacmay ayaa fiidnimadii Sabtida ku dhaawacmay duqayn dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay baabuur rayid ah oo marayey Xerada Qaxootiga ee Nuseyraat ee ku taal Marinka Gaza ee burburay. Gumeysiga ayaa ku dhawaaqay in uu bartilmaameedsaday Hogaamiye ka tirsan dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah . Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaariga ay la beegsadeen labo gantaal oo laga soo riday diyaarad sahan ahayad oo maraysay deegaanka AL-Ahli Club ee Xerada Nuseyrat. Dhacdadaas ka dib, millatariga Israa’iil waxa ay bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay beegsadeen xubin ka tirsan dhaqdhaqaaqa Jihaadka Islaamiga ah ee Marinka Gaza, intii lagu guda jiray “duulaan sax ah” oo ay ka fuliyeen deegaanka Nuseyrat, iyaga oo sheegay in uu qorsheynayay in mustaqbalka dhow uu qaado hawlgal milateri oo ka dhan ah ciidammada Israa’iil. Dhankooda maamulka Isbitaalka AL-cawda ee Xerada Nuseyrat ayaa sheegay in isbitaalka “la soo gaarsiiyey afar dhaawac ah oo ku dhaawacmeen weerar lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey agagaarka naadiga AL-Ahli ee bartamaha kaamka”, iyadoo aan la cayimin nooca dhaawaca iyo inta uu la egyahay. 9-kii Oktoobar, Israa'iil iyo Xamaas waxay gaareen xabbad joojin iyo heshiis isdhaafsi maxaabiis ah oo ku saleysan qorshe uu sameeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wajigii koowaad ee heshiiska ayaa dhaqan galay maalintii xigtay. Wajigaas waxaa ka mid ahaa ku dhawaaqista joojinta dagaalka, ka bixitaanka ciidamada Isra’iil ee waxa loogu yeero "khadka Jaallaha", soo celinta maxaabiista nool iyo kuwa dhintay ee Isra’iil, iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta. Si kastaba ha ahaatee, duulaanka Isra’iil ee Xerada Qaxootiga ee Nuseyrat ayaa ka dhacay galbeedka "khadka Jaallaha ah", kaas oo ciidankii qabsaday ay ka baxeen, sida ay sheegtay Wakaaladda Anadolu. Tani waxay ka dhigan tahay jebinta qodobbadii heshiiska, kaasoo soo afjaray xasuuqii ay geysatay Tel Aviv laga bilaabo Oktoobar 8, 2023, oo socday muddo laba sano ah. Tirada dhimashada maalinlaha ah ma joogsanin inkasta oo xabbad joojintu ay dhaqangashay Oktoobar 10. Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa ku dhawaaqday imaatinka 19 shahiid (afar ka mid ah ay si toos ah u bartilmaameedsadeen ciidamada gumeysiga, iyo 15 kuwaas oo meydadkooda la helay) iyo 7 dhaawac ah oo soo gaaray isbitaallada Marinka Gaza 48-kii saac ee la soo dhaafay. Wasaaraddu waxay tilmaantay in dhimashadu ay gaartay 68,519 shahiid iyo 170,382 dhaawac ah tan iyo Oktoobar 7, 2023, tan iyo xabbad joojinta, tirada guud ee shuhadada ayaa gaartay 11, dhaawacyadu waxay gaareen 324, meydadka la soo saaray ayaa gaaraya ilaa 464.

XIGASHO-AJ.

Previous
Previous

DAGAAL AAD U CULUS OO KA SOCDO DEGAANKA EL-FASHIR EE G/DAARFUUR.

Next
Next

ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY K/LUBNAAN.