ISRA’IIL OO BILAWDAY INEY BURBURISO DHISMAYAAL DHAADHEER.

(SAWIRKA)-DHIMAYAAL LA BURBURIYEY.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in ciidamada Isra’iil ey balaariyeen howlgalada dhulka ee magaalada Gaza, ayaa wariye ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya waxa uu soo sheegay in duqeymaha Isra’iil ey la beegsadeen daarta AL-Daafir 5 ee magaalada Tel AL-Hawa ee Koonfurta magaalada Gaza. Ciidamada Isra’iil ayaa burburiyay dhowr dhismo oo ku yaala magaalada Gaza maalmihii la soo dhaafay, sida daarta AL-Susi, Tower Mushtaahi, iyo taawarada la dego iyo kuwa Ganacsiga ee AL-Ru'uya. Milatarigu waxa uu sheegay in ey doonayaan in ey “xoojiyaan weeraradooda bartilmaameedka ah si loo waxyeeleeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Xamaas loona yareeyo khatarta ciidamadooda”.

“TALAABADDA AASAASIGA AH EE DHANKA MAGAALADDA GAZA”:

“Waxa aan xalay bilownay waa tallaabadii ugu horeysay ee ugu weyn ee loo qaado magaalada Gaza,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil oo la hadlay warbaahinta, isagoo xusay in ciidamadu ey ku qiyaaseen in 2,000 illaa 3,000 oo dagaalyahannada Xamaas ah ey ku sugan yihiin magaalada. Waxa uu xaqiijiyay in ciidamada ey ku sii siqayaan bartamaha magaalada oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ey Israa’iil duqeymo xooggan ka geysaneysay. Waxa uu sidoo kale sharaxay, "Taliska koonfureed wuxuu ballaariyay hawlgalka dhulka ee Hamas ee ugu weyn ee magaalada Gaza." Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz ayaa sheegay in magaalada Gaza ey “gubanayso,” isagoo xusay in ciidamadu ey gacan bir ah ku hayaan kaabayaasha Argagixisada, askartuna waxay si geesinimo leh ugu dagaallamayaan si ey u abuuraan shuruudo lagu sii dayn karo la haystayaasha iyo jabinta Xamaas. Ma joojin doonno ama dib uga noqon mayno illaa aan ka dhabeyno hadafkeenna. Inta badan magaalada Gaza ayaa laga dhigay burbur, ka dib duqeymaha ey Israa’iil ka geysanayso ku dhawaad ​​laba sano, sida ey sheegtay wakaaladda wararka ee France Press. Xiisadan ayaa timid iyadoo guddi Madax-banaan oo caalami ah oo baaritaanno ah oo Qaramada Midoobay ey ku eedeeyeen Israa’iil iney "xasuuq" ka geysatay Marinka Gaza intii lagu jiray dagaalkii ka billowday weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023. Waa markii ugu horreysay oo guddi noocan oo kale ah uu soo gabagabeeyo in Israa'iil ey geysanayso xasuuq. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Israa’iil ey ka go’an tahay “inay waddo ilaa dhammaad” ololaheeda millatari ee Gaza oo eysan u furneyn wadahadallo nabadeed oo dhab ah. Ololaha militariga Israa’iil ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 64,964 qof, oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ey maamusho, oo Qaramada Midoobay ey u aragto in la isku haleyn karo.

ISHA-AA.

Previous
Previous

GOBOLKA SUWEYDA EE SURIYA OO LOO DHISAY CIIDAMO GAAR AH.

Next
Next

SHIRKII DOOXA OO LAGA SOO WAR SAXAAFADEED AAD U CULUS.