IRAAN OO WEERARTAY DEKEDDA SALALAH EE DALKA CUMAAN.
(SAWIRKA)-DEKEDA SALALAH.
(MASCUT/OMAN)-Wararka laga helaayo dalka Cumaan ayaa sheegaayo in laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn ey bartilmaameedsadeen Dekadda Salalah ee dalka Cumaan, iyagoo dhaawacay hal shaqaale oo qurbaha ka yimid, isla markaana "waxyeello kooban" gaarsiiyay mid ka mid ah wiishashka xarunta, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee Oman Sabtida maanta ah, iyadoo soo xiganaysa ilo ammaan. "Suldaanadda Cumaan waxay xaqiijinaysaa cambaaraynta falalkan foosha xun ee bartilmaameedsanaya, waxayna qaadaysaa dhammaan tallaabooyinka lagu hubinayo amniga dalka iyo badbaadada dadka deggan," ayay tiri. War qoraal ah oo ay soo saartay xarunta dhexe ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ee Khatam AL-Anbiya ayaa lagu sheegay in "ay bartilmaameedsadeen markab Mareykan ah oo ku sugnaa meel u dhow Dekadda Salalah ee Cumaan." Bayaanka ayaa lagu xusay in Iiraan ay ixtiraamayso madaxbannaanida qaranka ee Cumaan. Colaadaha gobolka ayaa sii xoogeystay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerar wadajir ah ku qaadeen Iiraan Febraayo 28, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,340 qof, oo uu ku jiray Hoggaamiyihii Sare ee xilligaas Cali Khamenei. Tehran ayaa aargoosatay mowjado weeraro ah oo diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsanayo Israa'iil, Urdun, Ciraaq, iyo waddamada Khaliijka ee martigeliya militariga Mareykanka, taasoo keentay khasaare iyo burbur kaabayaal dhaqaale iyadoo sidoo kale carqaladeyneysa suuqyada caalamiga ah iyo duulista hawada.
ISHA-AA.