(MUUQAALKA)-MAGAALADDA KUWEYT.
(KUWAIT)-Difaaca cirka ee Kuwayt ayaa ka hortagaya weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadawga kuweyt, sida ay sheegeen ciidanku maanta. War qoraal ah oo lagu daabacay bogga X, Saraakiisha Guud ee Ciidanka ayaa lagu sheegay in "Qarax kasta oo la maqlo ay ka dhasheen nidaamyada difaaca cirka ee ka hortagaya weerarrada cadawtinimada" waxayna codsadeen in qof walba uu u hoggaansamo "tilmaamaha amniga iyo badbaadada." Dalka Khaliijka ayaa waxaa weerar ku qaaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iiraan leedahay intii lagu jiray dagaalkii ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Tehran. Meelaha bartilmaameedyada laga dhigay waxaa ka mid ahaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Kuwayt, warshadaha sifeynta saliidda iyo warshadda korontada iyo cusbada ee Shuceyba. Toddobaadkii hore, Wasiirada difaaca ee Wadamadda Gacanka GCC waxay ansixiyeen in la bilaabo talis horumarsan oo loogu talagalay Taliska Midaysan ee Milatariga ee xaruntiisu taha Kuwayt waxayna u qoondeeyeen ciidamo ku habboon.
ISHA-AN.