IMAARAATKA CARABTA OO SAHAY SAMAFAL AH U DIRAY MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-SAMAFALAYAAL IMAARAATI AH.
(EGYPT)-Markabkii 13-aad ee sida gargaarka bani'aadamnimo ee ka soo baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa gaaray Dekadda EL-Carish ee dalka Masar isagoo sida in ka badan 7,300 oo tan oo sahay ah oo loogu talagalay Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Gaza. Markabkan oo lagu magacaabo Umm AL Emarat - oo macneheedu yahay Hooyada Qaranka ayaa ka baxay Dekedda Khalifa bishan. Xamuulkiisa ayaa loo wareejin doonaa si loogu geeyo Gaza. Wakaaladda wararka u faafisa dalka Imaaraatka Carabta ee Wam ayaa werisay in Xamad AL Zaabi, oo ah Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Masar, uu markabka qaabilay isagoo ay weheliyaan wafdi heer sare ah oo ka socda hay'adaha samafalka ee Imaaraadka iyo la-hawlgalayaasha Masar.
“MAXAA SAARAN MARKABKA?.
Qayb ka mid ah Hawlgalka Gallant Knight 3 , agabka waxaa loo habeeyey baahiyaha Ramadaanka. Markabka ayaa sidda 4,267 tan oo xirmooyin cunto ah, 386 tan oo sahay cunto ah oo lagu taageerayo jikooyinka bulshada iyo 290 tan oo timir ah. Gargaarka waxaa ku jira kumanaan sanduuq oo shaqsi ah. Baakad kasta waxaa loogu talagalay inay taageerto qoys ka kooban toddobo qof muddo qiyaastii hal toddobaad ah waxayna ka kooban tahay waxyaabaha aasaasiga ah sida Bur, Bariis, Saliid iyo alaabada qasacadaysan. Taageerada hoyga ayaa ka kooban 2,303 tan oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan 3,495 teendho, dharka Ciidda, bacaha gargaarka iyo agabka nadaafadda. Gargaarka caafimaad wuxuu gaarayaa 54 tan, waxaana ka mid ah qalabka Neefsashada, Sariiraha isbitaalka, qalabka ilaalinta iyo aaladaha nadiifinta hawada. Hawlgalka gargaarka ee Gaza ayaa sii socda iyadoo la raacayo amarka Madaxweyne Sheikh Mohamed. Tan iyo markii uu dagaalku billowday, gargaarka Imaaraadka Carabta ayaa dhaafay $3 bilyan, iyadoo in ka badan 122,000 oo tan la gaarsiiyay marinnada hawada, dhulka iyo badda. Xabad joojin bishii Oktoobar ayaa joojisay laba sano oo colaad ah oo bilaabatay markii Xamaas iyo kooxo kale ay weerareen koonfurta Israa'iil, iyagoo dilay qiyaastii 1,200 oo qof, afduubtayna qiyaastii 240. Israa'iil isla markiiba waxay bilowday olole ballaaran oo ka dhacay Qaza kaas oo baabi'iyay inta badan dhulka xeebta ah, isla markaana dilay ugu yaraan 71,000 oo qof.
ISHA-NATION.