HOGAAMIYE SARE OO AL-QAACIDA AH OO SUURIYA LAGU DILAY.

(SAWIRKA)-GOOBTA UU KA DHACAY WEERARKII LAGU DILAY ASKAR MARAYKAN AH.

(SYRIA)-Taliska Dhexe ee Mareykanka(CENTCOM) ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay in Hoggaamiye sare oo ka tirsan AL-Qaacida lagu dilay weerar ka dhacay Waqooyi-galbeed Suuriya, isagoo xusay in hoggaamiyaha uu mas'uul ka ahaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay saddex Mareykan ah (laba askari iyo turjumaan rayid ah) Diseembar 13, 2025, magaalada Tudmar ee gobolka Xoms. War qoraal ah oo ka soo baxay militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay in "Bilal Xasan AL-Jassem uu ahaa Hoggaamiye Argagixiso oo qorsheeyay weeraro, waxaana si toos ah loola xiriiriyay dagaalyahankii Daacish ee bishii hore dilay kuna dhaawacay shaqaale Mareykan ah iyo Suuriyaan ah oo ku sugnaa Tudmar, Suuriya." Dhankiisa, Admiral Brad Cooper, taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa yiri: "Dilka hoggaamiyaha oo lala xiriirinayo dilka saddex Mareykan ah wuxuu muujinayaa go'aankeenna ah inaan daba galno argagixisada weerarta ciidamadeenna," isagoo raaciyay, "Ma jirto meel ammaan ah oo loogu talagalay kuwa fuliya, qorsheeya, ama kiciya weerarrada ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka iyo askarteenna." Iyadoo laga jawaabayo weerarkii Diseembar 13, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa duqeymo ballaaran ka geystay Suuriya. Hawlgalku wuxuu bartilmaameedsaday in ka badan 100 xarumood oo ISIS ah iyo goobo hub ah. Intaa waxaa dheer, ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga ayaa qabtay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirsan Daacish waxayna dileen in ka badan 20 kale oo ku nool Suuriya sannadkii la soo dhaafay, taasoo meesha ka saartay argagixisadii khatar toos ah ku ahayd Mareykanka iyo amniga gobolka, sida lagu sheegay bayaanka. Waxaa la soo sheegayaa in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Suuriya lagu weeraray meel u dhow magaalada Tudmar ee gobolka Xoms (bartamaha Suuriya) intii lagu guda jiray booqasho ay si wadajir ah u sameeyeen koox xiriir la leh ISIS, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaana wacad ku maray inuu ka jawaabi doono. Wafdiga wadajirka ah ee Mareykanka iyo Suuriya ee la beegsaday ayaa waday howlgal taageero ah oo ka dhan ah ISIS oo ka socda Tudmar Weerarkii Tudmar waa kii ugu horreeyay oo noociisa ah tan iyo markii Madaxweyne Axmed AL-Sharac uu xukunka dalka Suuriya qabtay ka dib markii la riday Madaxweynihii hore Bashar AL-Assad dhammaadkii 2024-kii. Waxaa xusid mudan in Dimishiq ay si rasmi ah ugu biirtay isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah ISIS intii uu socday booqashadii Madaxweynaha Suuriya AL-Sharac uu ku tagay Washington bishii Nofeembar-2025-kii.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

CIIDAMADA KURDIYINTA SURIYA OO LAAYEY MAXAABIIS.

Next
Next

LUBNAAN OO QABATAY NIN MAALGELIYO XOOGAGA SUURIYA.