HAYADDA SAMAFALKA EE MALIK SALMAAN OO DEEQ GAARSIISAY…

(SAWIRKA)-DEEQ AL SIINAAYO DAD MASAAKIIN AH.

(RIYADH/KSA)-Hay'adda Gargaarka ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ee KSrelief ayaa dhawaan ku qaybisay 100 kartoon oo timir ah gobolka Shabwah ee dalka Yemen, iyadoo la gaarsiiyay 600 oo qof oo ka soo jeeda qoysaska ugu nugul. Dalka Benin, 280 dambiilood oo cunto ah ayaa la geeyay magaalada Savalou ee Collines, taasoo ka faa'iideysatay 1,680 qof. Mashruucu wuxuu qorsheynayaa inuu bixiyo 7,825 dambiilood, isagoo ka caawinaya qiyaastii 47,000 oo qof oo ku kala nool gobollo badan. Dalka Indonesiya, 75 dambiilood oo cunto ah ayaa laga qaybiyay Bariga Jakarta, kuwaas oo caawinaya 314 qof. Hindisahan ayaa ujeedadiisu tahay in 7,000 oo dambiilood loo qaybiyo ilaa 30,000 oo ka faa'iideystayaal ah oo ku kala nool Jakarta, Banten, Galbeedka Java, iyo Bartamaha Java. Dalka Uzbekistan, 410 dambiilood oo cunto ah ayaa laga qaybiyay gobolka Andijan, taasoo caawisay 1,530 qof. Mashruucu wuxuu bartilmaameedsanayaa 6,060 dambiilood oo loogu talagalay 36,000 oo qof oo ku kala nool 14 gobol. Dalka Brazil, hayadda KSrelief waxay geysay 3,000 oo kartoon oo timir ah Guarulhos, taasoo taageertay 375 qoys, oo ay ku jiraan Qaxooti iyo muhaajiriin. Mashruucu wuxuu higsanayaa in lagu qaybiyo 200 oo tan oo dalka oo dhan ah. Dalka Chad, 1,499 kartoon oo timir ah ayaa la siiyay kooxaha nugul ee gobolka Al=L-Batha, taasoo la gaarsiisay 8,994 qof taasoo qayb ka ah qorshe lagu qaybinayo 800 oo tan. Kosovo, 200 oo dambiilood oo cunto ah ayaa laga qaybiyay Fushe Kosove, taasoo ka faa'iideysatay 1,000 qof. Mashruucu wuxuu higsanayaa inuu 8,017 dambiilood gaarsiiyo 40,000 oo ka faa'iideystayaal ah oo ku kala nool 30 degmo.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

MAXKAMADDA SARE EE SACUUDIGA OO KU BAAQDAY IN LA RAADIYO BISHA RAMADAAN.

Next
Next

CIIDAMADDA SUURIYA OO LA WAREEGAY XERADDA AL-SHAADI.