GENTAALO LAGU WEERARAY GAROON KU YAALO SURIYA.
(SAWIRKA)-ILAALADA GAROONKA DIMISHIQ.
(DAMASCUS/SYRIA)-Saddex gantaal ayaa Sabtida maanta ah fiidkii ku dhacay xaafad la deggan yahay oo ku taal caasimadda Suuriya iyo meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Mezzeh, taasoo keentay qaraxyo laga maqlay qaybo ka mid ah Dimishiq, sida ay ku warantay warbaahinta dawladda Suuriya ee SANA.
Ilo amni ayaa u sheegay TV-ga dowladda ee AL-Akhbariya in gantaallada ay isku mar ku dhaceen xaafadda Mezzeh 86 iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee Mezzeh. Ilo wareedku wuxuu sheegay in mid ka mid ah gantaallada uu burbur u geystay Masjidka AL-Moxammadi ee Mezzeh 86. Ciidamada amniga gudaha ayaa la geeyay aagga waxayna bilaabeen baaritaan si loo aqoonsado kuwa mas'uulka ka ah, sida laga soo xigtay ilo-wareedku. Kanaalka ayaa hore u sheegay in gantaal uu ku dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee Mezzeh, taasoo keentay qaraxyo laga maqlay qeybo ka mid ah caasimadda Dimishiq. Ilo amni ayaa u sheegay kanaalka in dhawaqa qaraxyada ka dhacay Dimishiq uu ka dhashay gantaal ay rideen dabley aan la garanayn oo ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Ma jirto dhinac sheegtay mas'uuliyadda. Qaraxyadan ayaa yimid iyadoo maamulka cusub ee Suuriya uu isku dayayo inuu adkeeyo amniga guud ahaan dalka ka dib markii la riday Bashar AL-Assad dabayaaqadii 2024 ka dib 24 sano oo uu xukunka hayay. Assad wuxuu u cararay Ruushka, taasoo calaamad u ah dhammaadka xukunkii Xisbiga Bacth tan iyo 1963. Maamul ku-meel-gaar ah oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed AL-Sharac ayaa xilka la wareegay bishii Janaayo 2025.
XIGASHO-AA.