DOORKA ISBITAALKA ERDOGAN EE MUQDISHO WAA MID MUUQDA.

(SAWIRKA)-TAKHTAR SOOMAALIYEED OO JOOGA DALKA TURKIGA.

(MUQDISHO)-Waa Warbixin si aad ah uga hadleysa Isbitaalka Erdogan(Ex.Digfeer) ee magaaladda Muqdisho,waxa ka hadlaayo waa dad aqoon gaar ah u leh Xirfadda Caafimaadka,waxaane Warbixintaan Muqdisho ka soo diray Wakiil Wareedka Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Turkiga ee ANADOLU.

– Isbitaalka waxaa ka howlgala dhaqaatiir Soomaaliyeed oo wax ku bartay jaamacadaha iyo isbitaallada Turkiga.
- Dr. Cali Maxamed Warsama: Waxaan ahay dhakhtarka kaliya ee qalliinka laabta ee waddankeyga. Qalliinnadan waxaa lagu sameeyaa isbitaalkan oo keliya.
– Dr. Axmed Maxamed Bashiir: Cisbitaalku waa xarun tixraaceed oo heer saddexaad ah, waxaana ka kooban 24 Takhasus caafimaad.
- Dr. AbdulJaliil Abdullah: Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan wuxuu noqday laf dhabarta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, cisbitaalka Waxbarashada iyo Cilmi baarista Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale muuqda u ah iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya, isagoo noqday mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee ugu muhiimsan Geeska Afrika. Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo wax ku bartay Jaamacadaha iyo Isbitaallada Turkiga ayaa adeegyo caafimaad oo heer sare ah ka haya Isbitaalka, iyagoo ka qeyb qaadanaya isbeddel tayo leh oo ku yimid nidaamka caafimaadka dalka, sida ay dhowr ka mid ah bukaanka Isbitaalka u sheegeen Wakaaladda Wararka Anadolu. Isbitaalkan oo taageero toos ah ka helay dowladda Turkiga sanadkii 2015-kii, ma ahan mid u adeega shacabka Soomaaliyeed oo kaliya, balse waxa uu qaabilaa bukaanada ka imaanaya dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya, Uganda, iyo Itoobiya, waxaana bukaanada ey gaarayaan bishii in ka badan 40,000 oo qof.

TABABARKA IYO KHIBRADDA:

Waaxyaha Qalliinka, Qalliinka Wadnaha iyo Xididdada dhiigga, iyo daawaynta gudaha, dhakhaatiir dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ayaa safka hore kaga jira badbaadinta nolosha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalkooda. Dr.Cali Muxamed Warsama oo ah dhaqtarka qalliinka dhuunta ee cisbitaalka Turkiga ayaa sheegay in muddo lix bilood ah uu ku qaatay dalka Turkiga tababaro gaar ah oo ay kormeerayeen macalimiin hormuud ah, kaasi oo uu u soo qaatay khibrad waxqabad oo badan. Dhaqtarka oo shaqadiisa bilaabay sanadka 2019-ka ayaa intaa ku daray “Aniga waxaan ahay takhtarka kaliya ee wadankeyga ku takhasusay qaliinka xiiqaha, dhamaan qaliinada noocaan ah waxaa lagu sameeyaa isbitaalkaan oo kaliya, sida qaliinada burooyinka iyo dhaawacyada halista ah ee Wadnaha iyo Sambabada”.

XIRFADDA CAAFIMAADKA WAA BANI’ADNIMO:

Warsame oo ka hadlayey dadaalka uu ugu jiro soo celinta rajada bukaannadiisa, waxay yiri, "Waxaan daweeyey nin gacantiisa naafo ka ah 20 sano oo uu qabay niyad jab aad u daran."Waxa uu intaa ku daray, "Ka dib markii qalliinka lagu sameeyay cusbitaalkayaga, si buuxda ayuu u bogsaday, wuxuuna ku soo laabtay noloshiisii ​​caadiga ahayd, sheekooyinkan ayaa naga dhigaya inaan ogaano macnaha iyo muhiimada xirfadeena." In kasta oo ka shaqaynta dibadda ay bixiso fursado dhaqaale oo wanaagsan, Warsama waxa uu ku adkaysanayaa in go'aankiisa ah in uu sii joogo dalkiisa uu ka dhashay dareen masuuliyadeed. Waxa uu sharraxay: "Waxaa laga yaabaa inaan ahay dhakhtar caadi ah oo dibadda ah, laakiin Soomaaliya, joogitaankaygu wuxuu sameeyaa isbeddel dhab ah. Dadka halkan jooga waxay u baahan yihiin caawimo, taasna waa waxa dhakhtarnimadu ku saabsan tahay."

TIJAABO U GAAR AH TURKIGA:

Dhankiisa, Axmed Maxamed Bashiir oo ku takhasusay daawaynta gudaha ayaa sheegay in cisbitaalku yahay "xarun tixraaceed oo heer saddexaad ah (heer sare oo takhasus leh), waxaana ku jira 24 takhasus caafimaad." Bashiir waxa uu ka shaqaynayey cusbitaalka ilaa 2016-kii, waxana uu hadda u yahay Ku-xigeenka isu-duwaha tababarka. "Isbitaalku waxa uu leeyahay xarunta ugu weyn ee ee sifeynta Kilyaha ee Soomaaliya, waxaana lagu daaweeyaa kumannaan bukaan bishii," ayuu hadalkiisa ku daray. Dhaqtarku waxa uu sheegay in Turkiga uu yahay dalka kaliya ee dhistay cusbitaal baaxadiisa intaas le’eg, xilli wadamada reer galbeedku ay diideen in ay maalgashi ku sameeyaan dalka sababo amni awgeed. Waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay, “Haddii wadamada kale ay ku daydaan Ankara, wejiga waaxda caafimaadka Soomaaliya gabi ahaanba waa isbedeli doonaa”.

CAAFIMAADKU WAA LAFDHABARTA SOOMAALIYA:

Dr. Cabdul Jaliil Cabdullaahi, oo ah dhaqtarka Qalliinka Wadnaha, ayaa yiri, "Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan wuxuu noqday laf-dhabarta nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya." Dhaqtarka oo tababar ku soo gaba gabeeyay magaalada Turkiye sanadkii 2024-kii ayaa ku macneeyay in Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay qaliin dhanka wadnaha ah ku sameyso ka hor inta aan isbitaalka la dhisin. Isagoo xusay in tan iyo markii la aasaasay isbitaalka in ka badan 120-dhakhaatiir Soomaaliyeed ah ay qaateen tababaro la xiriira dhinacyo kala duwan, taasoo uu xusay inay tahay guul aan horay loo arag oo laga gaaray taariikhda caafimaadka dalka. Xaaladdan oo kale, wuxuu xaqiijinayaa in isbitaalku qaabilo "qiyaastii 40,000 bukaan bishii wuxuuna u adeegaa muwaadiniinta dalalka deriska ah." Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, "Dadka halkan ku nool waxa ay ugu yeeraan Isbitaalka Erdogan, magacaas oo keliya waxa uu noqday calaamad ammaan iyo mahadnaq."

ASTAANTA SAAXIBNIMADA SOOMAALIYA IYO TURKIGA:

Cisbitaalka Waxbarashada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan, oo la furay 2015-kii oo qaadi kara 250 Sariirood, waa xarun caafimaad oo isku dhafan oo bixisa daryeel deg deg ah, qalliin, Sifeyn, iyo qaybo daaweyo dadka soo gubto. Isbitaalka waxaa ka shaqeeya ku dhawaad ​​1,100 shaqaale ah oo ay ku jiraan 170 dhaqaatiir Soomaali ah iyo 30 dhaqaatiir Turki ah. Isbitaalku hadda maaha mashruuc horumarineed oo keliya,balse waxa uu astaan ​​u noqoday xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya, waxayna tixgalin u noqotay jiilka cusub ee dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo aaminsan in daawadu ay tahay howl bini’aadantinimo ka hor inta aysan xirfad ahaan noqon ayey Takhaatiirtu xuseen.

XIGASHO-AA/ARABIC.

Next
Next

TRUMP OO SHEEGAY IN XAMAAS EY SI DHAB AH U RAADINEYSO MEYDADKA MAQAN.