DAWLADAHA KHLAIIJKA AYAA SHIR AAN CAADI AHAYN KU LEH MAGAALADDA RIYAAD.
(MUUQAALKA)-GOLAHA ISKAAHSIG KHALIIJKA.
(RIYAD/KSA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegaayo in Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ay maanta oo Arbaca ah kulan aan caadi ahayn ku yeesheen caasimadda Riyadh si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga iyo isku-dubaridka ciidamadooda qalabka sida xilli ay sii socdaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan Sacuudi Carabiya. Kulanka waxaa qabtay Guddiga Hawlgallada iyo Tababarrada Ciidamada Qalabka Sida ee GCC, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Imaaraadka Carabta. Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) wuxuu ka kooban yahay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Qatar, Baxrayn iyo Cumaan. Wasaaraddu waxay sheegtay in kulanka aan caadiga ahayn uu ka dhacay xarunta dhexe ee Xoghaynta Guud ee GCC laakiin ma aysan shaacin magacyada ka qaybgalayaasha. Waxay sheegtay in kulanku uu ka hadlay "dhowr arrimood oo loogu talagalay xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee militariga ee hawlgallada iyo tababarka," iyo sidoo kale "horumarinta hababka isku-dubaridka iyo isdhexgalka" ee ciidamada qalabka sida ee Khaliijka. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu doonayay in lagu "taageero dadaallada wadajirka ah ee difaaca Khaliijka iyo in la xoojiyo diyaargarowga iyo hufnaanta milatari ee dhinacyada hawlgallada iyo tababarka," ayay tiri wasaaraddu. Bayaanka laguma faahfaahin wax go'aan ah oo laga gaaray kulanka ama si toos ah looguma xusin wadahadallada ku saabsan weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga. Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadayaan Sacuudi Carabiya iyo Khaliijka iyo dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo. Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ilaa hadda war kama soo saarin kulanka. Si kastaba ha ahaatee, Xoghaye Guud Jasem Mohamed Albudaiwi ayaa Axaddii ku baaqay tallaabo caalami ah oo "wax ku ool ah" oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta markii la soo gabagabeeyay shir wasiirro ah oo ka dhacay Manama. Yemen ayaa tan iyo bishii Luulyo waxaa ka jiray xiisad militari oo u dhaxaysa ciidamada dowladda oo ay taageerayaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta, ka dib markii ay jirtay xaalad deggan oo la xiriirta xabad joojintii bilaabatay bishii Abriil 2022. Colaadda Yemen ayaa bilaabatay ka dib markii Xuutiyiintu ay qabsadeen caasimadda Sanca iyo dhowr gobol bishii Sebtembar 2014.
ISHA-AA.