DALKA URDUN OO CAMBAAREEYEY WEERARKA IRAAN EE BOQORTOOYADDA BAXREYN.

(SAWIRKA)-HAAMAHA SHIDAALKA BAXREYN.

(AMAN/JORDAN)-Dalka Urdun ayaa cambaareysay weerarkii Iiraan ay ku qaadday Baxrayn kaas oo sababay dhimashada qandaraasle rayid ah oo u dhashay Marooko oo ka tirsanaa Ciidamada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta iyo dhaawacyo soo gaaray dhowr shaqaale ah oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo Baxrayn. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dadka Dibadda ku maqan ayaa Talaadadada maanta ah cambaareysay weerarrada "bahalnimada leh" ee Iiraan, kuwaas oo "ku xadgudbaya madaxbannaanida Baxrayn isla markaana sii kordhinaysa khataraha amniga iyo xasilloonida gobolka," sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Urdun ee Petra. Urdun waxay taageero buuxda u muujisay Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta si ay uga hortagaan weerarrada Iiraan, iyagoo taageeraya tallaabooyinkooda lagu ilaalinayo madaxbannaanida, amniga iyo badbaadada muwaadiniinta. Wasaaradda Difaaca Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in qandaraaslaha la dilay intii uu socday howlgal caadi ah, waxayna intaas ku dartay in shan ka mid ah shaqaalaheeda ay sidoo kale ku dhaawacmeen waxa ay ku tilmaantay weerarkii "naxdinta lahaa". War-saxaafadeed ayaa tacsi loogu diray qoyska qandaraaslaha, waxaana dhaawacyada loo rajeeyay inay si degdeg ah u bogsadaan. Urdun, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ahaa 10 waddan oo Iiraan ay weerartay ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay bartilmaameedsadeen awoodda milatari ee dalka oo ay dileen madaxdooda ugu sarreeya. Boqor Cabdallaha Urdun ayaa ku celiyay in dowladaha Carabta aysan ka qayb qaadan weerar kasta oo uu Mareykanku hoggaaminayo oo ka dhan ah Iiraan, sidoo kalena aysan bilaabin khilaafka hadda jira, kaas oo bilaabmay Febraayo 28.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CIIDAMO DHEERI AH GEYN DOONO BARIGA DHEXE.

Next
Next

HAWLGALKA NATO OO ISAGA BAXAYA DALKA CIRAAQ.