DALKA IMAARAATKA CARABTA OO XABSIGA KA SII DAAYEY GABYAA C/RAXMAN AL-QARADAWI.

(MUUQAALKA)-GABYAA C/RAXMAN AL-QARADAWI.

(ABU DHABI/UAE)-Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee dalka Isutaga Emaaraatka Carabta ee (WAM), Madaxweynaha Isutaga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed AL-Nahyan, ayaa Jimcaha maanta ah cafis u fidiyay Cabdul Raxman Sh.Yusuf AL-Qaradawi oo horay loo xukumay. Maxkamadda Federaalka ee Rafcaanka Waaxda Dembiyada Internetka ee Abu Dhabi ayaa 27-kii Agoosto xukuntay in lagu xukumo dambiyada loo haysto, laguna xukumo 10 sano oo xarig ah iyo ganaax 200,000 oo dirhams ah. Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay Cabdul rahman AL-Qaradawi iney ka soo xireen dalka Lubnaan sanadkii 2024 "iyadoo lagu saleynayo amar ku meel gaar ah oo lagu xiray isaga oo ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Golaha Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Carabta Waaxda Dacwadaha Dembiyada iyo Xogta, oo ay soo gudbiyeen hay'adaha awoodda u leh ee Imaaraadka Carabta si ay u sameeyaan falal kicin kara oo carqaladeyn kara amniga dadweynaha." Wakaaladda Wararka ee Emirates ayaa werisay in "amarka dib-u-celinta uu ka jawaabay codsi dib-u-celin ah oo ay soo gudbisay hay'adda dhexe ee Imaaraadka Carabta, oo ay matalaysay Wasaaradda Caddaaladda, oo loo gudbiyay hay'adda dhexe ee Jamhuuriyadda Lubnaan, iyadoo la raacayo mabda'a is-dhaafsiga iyo shuruucda qaranka iyo sharciyada labada dal." C/raxman AL-Qaradawi,waa gabyaa isla markaasne ah nin u dhaqdhaqaaqa Xuquuqul insaanka,waxa uu dhashay dalka Masar, waxa uuna haystaa Jinsyadda dalka Turkiga, waxa uuna dhashay C/raxmaan sannadkii-1970-kii. C/raxmaan ayaa ah nin mucaarad ku ah dalka Masar nidaamka hadda ka jira iyo dawladdo kale oo carbeed. C/raxmaan ayaa lagu qabtay dalka Lubnaan sannadkii 2024-kii, waxaane dalka Imaaraatka Carabta loo soo gacangeliyey sannadkii 2025-kii.

ISHA-WAM.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO LOOGA ITAAL ROONAADAY BUURALEYDA GOBOLKA TICIS.

Next
Next

CIIDAMADDA DAWLADDA YEMEN OO LA WAREEGAY JAB-XABASHA EE G/TICIS.