DALALKA MASAR IYO BAXREYN OO KA WADA HADLAY XAALADDA B/DHEXE.

(MUUQAALKA)-HOGAMIYEYAASHA MASAR IYO BAXREYN.

(CAIRO/EGYPT)-Hoggaamiyeyaasha dalalka Masar iyo Baxrayn ayaa Arbacada maanta ah ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo horumarka gobolka iyo kan caalamiga ah. Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax AL-Sisi ayaa magaalada EL Calameyn ku qaabilay boqorka Baxreyn Xamad bin Ciisa AL Khalifa. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirkan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkooda ee dhinacyada kala duwan. Sisi ayaa Isniintii wicitaan taleefan ka helay Boqor Xamad. Waxay hoosta ka xariiqeen mowqifkooda wadajirka ah ee ku aaddan dhibaatooyinka gobolka iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu soo celinayo xasilloonida iyo nabadda. Sisi wuxuu muujiyay sida Masar ay uga go'an tahay inay taageerto Baxrayn heerar kala duwan, isagoo cambaareeyay weerarrada Iiraan ay ku qaaday boqortooyada. Wuxuu amaanay tallaabooyinka ay hoggaanka Baxrayn qaadeen si ay u ilaaliyaan dalka.

XIGASHO-SA.

Previous
Previous

WASIIRO KA KALA SOCDAY WADAMADA CARABTA IYO ISLAMKA OO CAMBAAREEYEY….

Next
Next

SHIR LOOGA HADLAYO MASJIDKA AL-AQSA OO KA FURMAY CAMAAN.