DAGAALKA DALKA YEMEN OO GALAY MARXALAD CUSUB.

(MUUQAALKA)-YEMEN.

(SANA’A/YEMEN)-Jiidda Taiz ayaa laga dareemayaa xiisaddii ugu xumayd ee u dhaxaysay ciidamada qalabka sida ee Yemen iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta tan iyo fiidkii Arbacada ilaa Khamiistii. Iskahorimaadyada waxaa ka mid ahaa jiiddaha Sala iyo Al-Shaqab ee bariga magaalada iyo jiiddaha Al-Dhabab ee galbeedka. War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta warbaahinta ee aaga militariga Taiz ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ay iska caabiyeen weerar ballaaran oo Xuutiyiintu ku qaadeen dhammaan jiidda hore ee aaga, isla markaana ay khasaare naf iyo maalba leh u geysteen maleeshiyaadka. Xarunta warbaahinta ee aaga Taiz ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay dagaallo xooggan kula jiraan Bani Bukari oo ka tirsan degmada Jabal Habashi iyo Himyar oo ka tirsan degmada Maqbanah oo ku taal baadiyaha galbeed ee gobolka. Wariyeyaasha AL-Carabiya iyo AL-Xadath ayaa soo sheegay in maleeshiyaadku ay madaafiic culus ku garaaceen dhowr goobood oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Taiz. Duqeynta ayaa lala beegsaday meelaha Al-Sayahi, Hidhran, Al-Dhabab, Jabal Han, iyo meelo kale oo ku yaal aagga Al-Rubai’i, iyo sidoo kale difaaca cirka iyo xaafadaha la deggan yahay ee u dhow waqooyi-galbeed ee magaalada. Ilo wareedyo ka tirsan AL-CArabiya iyo AL-Xadath ayaa sheegaya in iska caabbinta dadweynaha ay ka hortagtay weerar cusub oo Xuutiyiinta ay saaka ku qaadeen degmada Sami’, oo ku taal bariga gobolka, ayna ku guuleysteen inay ka adkaadaan ka dib iska horimaadyo xooggan oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen labada dhinac. Iska caabbintu waxay qabsatay gaari gaashaaman iyo gaari ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka. Dhanka kale, subaxnimadii Khamiista, ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa dhowr jeer duqeymo cirka ah ku qaaday dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo goobaha ay ku sugan yihiin ee Al-Ahkum iyo Al-Athawer, oo ku yaal koonfur-bari gobolka. Waxay sidoo kale bartilmaameedsatay goobaha Xuutiyiinta ee ku yaal aagga Al-Akboush, Buurta Dhexe, iyo dhulka sare ee ka soo horjeeda aagga Al-Khazaja ee degmada Hayfan, koonfurta Taiz.

ISHA-AA.


Next
Next

MAXAA KA DHACAY FLYDUBAI DUSHEEDA MAALINTII SHALAY?