CIRAAQ:-SAXAFIYAD U DHALATAY MARAYKANKA OO LA AFDUUBTAY.
(SAWIRKA)-SAXAFIYADDA LA AFDUUBTAY.
(BAGHDAD/IRAQ)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad ayaa sheegaayo in Saxafiyad Mareykanka ah in lagu afduubtay dalkaasi Ciraaq Talaadada maanta ah,saxafiyadda la afduubtay ayaa magaceeda lagu sheegay inuu yahay Shelly Kittleson, sida ay xaqiijisay Warbaahinta AL-Carabiya English. Horay, laba ilo-wareed oo booliis ah ayaa sheegay in wariye dumar ah oo haysata baasaboor Mareykan ah lagu afduubtay Baqdaad iyadoo ay jiraan dad aan la garanayn. Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ma shaacin dhalashadeeda, laakiin waxay sheegtay in hal tuhmane la xiray isla markaana ay socdaan dadaallo lagu sii deynayo saxafiyadda. Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in qof xiriir la leh Kata'ib Xizbollah oo ay taageerto Iiraan, oo la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa afduubka saxafiyadda Mareykanka ah Shelly Kittleson, iney xireen mas'uuliyiinta Ciraaq. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay inay hore uga digtay Kittleson hanjabaado ka dhan ah, ayna sii wadi doonto la shaqeynta FBI-da si loo hubiyo in la sii daayo sida ugu dhaqsaha badan. Ilo wareedyo boolis ah ayaa sheegay inay wali eryanayaan gaari ay xoog ku qabsadeen afar nin oo xiran dharka rayidka. Baaritaanka ayaa diiradda lagu saarayaa bariga caasimadda halkaas oo gaariga afduubayaasha uu ku socday, sida ay sheegeen ilo wareedyo booliisku. Arday ka qalin jabiyay Jaamacadda Princeton oo u dhashay Israa'iil iyo Ruushka ayaa waxaa afduubtay koox maleeshiyo Shiico ah oo Iiraan la safan ah intii ey ku guda jirtay safar cilmi baaris ah oo ey ku tagay Ciraaq bishii Maarso 2023, waxaana la sii daayay 2025.
ISHA-AA.