CIIDMADA LUBNAAN OO QABTAY HUB TAHRIIB AH.
(MUUQAALKA)-HUBKA LA QABTAY.
(BEIRUT/LUBNAN)-Ciidanka Lubnaan war ey soo saaareen Talaadada maanta ah waxa ey ku sheegeen iney qabteen Gentaallo Grad ah oo laga soo qaaday dalka deriska la ah ee Suriya lana soo geliyey gudaha dalka Lubnaan. Bayaan ey soo saareen ciidamada dalka Lubnaan ayey ku sheegeen in cutub ciidamada ka tirsan ey qabteen Gentaalo 122-mm ah oo ah nuuca Grad,waxaane gentaaladda lagu qabtay duleedka buuraha Arsal ka dib markii laga war helay hawlo tahriibin hub oo ka jira aagaas oo ah halka la isaga gudbo xuduudaha Waqooyi iyo Bari ee dalka Lubnaan,sidoo kale ciidamadda ayaa qabatay gaari loo isticmaali jiray tahriibinta hubka,waxaane la xiray laba nin oo u dhashay dalka Lubnaan kuwaaso looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin shabakada tahriibisa hubka.
ISHA-SA.