CIIDAMADA AMAAN SURIYA OO SOO QABTAY SARKAAL HORE OO KHATAR AH.
(SAWIRKA)-CALI SUBEYRAH.
(SYRIA)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in Mas'uuliyiinta Suuriya ay soo xireen Cali Cali Caziz Subeyrah, oo ah hoggaamiye caan ah oo ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee mas'uulka ka ah weerarrada lagu qaaday baraha kontaroolada amniga gudaha, ciidamada Suuriya iyo dadka rayidka ah intii lagu jiray kacdoonkii dalka ee ka dhanka ahaa nidaamkii hore ee Bashar AL-Assad. Waaxda Amniga Gudaha ayaa Arbacadii ku dhawaaqday qabsashada Subeyrah ee gobolka Laadiqiyah, oo ku yaal Badda Mediterranean-ka. Mas'uuliyiintu waxay ku eedeeyeen inuu hoggaaminayay oo uu hub siiyay kooxaha argagixisada. Subeyrah, oo ka soo jeeda magaalada Jiblah, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Gyaath Dallah iyo S/Guuto. Nours Makhloof, oo ah laba sarkaal oo militari ah oo xiriir la leh xukunkii hore ee Assad. Subeyrah waxaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xuquuqda dadka rayidka ah intii uu socday kacdoonkii Suuriya ka dib 2011, markii uu ku biiray Maleeshiyada Difaaca Qaranka isla markaana uu gacan ka geystay caburinta dibadbaxyada nabadda ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Carabta ee Suuriya. Sannadkii 2014, wuxuu ku biiray Qaybta 4aad ee Gaashaaman, oo uu hoggaaminayay Mahir Assad, oo ahaa walaalkii Madaxweynihii hore, laga bilaabo 2018 ilaa burburkii nidaamkii Assad bishii Diseembar 2024.
XIGASHO-AN.