BURCAD BADEED WEERAR KA GEYSATAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-BURCAD BADEED.

(ADEN/YEMEN)-Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ee loo yaqaano ( UKMTO ) ayaa Axadda maanta ah sheegay in markab kuwa xamuulka qaada ah uu soo saaray baaq degdeg ah oo sheegaya in dabley aan la garanayn ay weerar ku soo qaadeen meel 30 mayl badeed koonfur-galbeed ka xigta magaalada Xudeydah ee Galbeedka dalka Yemen. Arbacadii la soo dhaafay, ayey ahayd markii hayadda UKMTO ey sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdo badda ah oo ka dhacday meel 76 mayl badeed koonfur ka xigta Balxaaf, oo ku taal koonfur-bari Yemen. Waxay ku dartay war-saxaafadeed digniin ah oo lagu daabacay barta "X" in sarkaal ka tirsan amniga markabka uu sheegay in dhowr doonyood oo yaryar ay ku soo dhawaanayaan markabka, iyadoo dad ay saaran yihiin hub fudud. Hayadda UKMTO waxay sharaxday in shaqaaluhu ay isugu soo urureen qolka ilaalinta ee ammaan ah, "The Citadel," isla markaana ay badqabaan. Hayadda UKMTO waxay tilmaamtay inay baarayso arrinta, iyadoo kula talisay maraakiibta inay taxaddar muujiyaan inta ay ku guda jiraan safarka iyo inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo. Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli ay xeebaha ku hareeraysan Yemen ay ka jiraan xiisado amni oo joogto ah, taasoo keentay in hay'adaha caalamiga ah ee badaha ay soo saaraan digniino joogto ah oo ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee ka hawlgala aagaas.

ISHA-AA.

Next
Next

DAWLADDA CIRAQ OO QABATAY LACAG LA DHACAY.