BURBUR SOO GAARAY DIYAARADO YIILAY GAROONKA BEN GURION.
(SAWIRKA)-GAROONKA BEN GURION.
(BEN GURION/ISRAEL)-Saddex diyaaradood oo gaar loo leeyahay oo yyilay Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv ayaa waxaa soo gaaray burbur "ba'an" ka dib markii ay ku dhaceen firir ka dhashay gantaallo Iiraan ah oo ay qabteen nidaamyada difaaca cirka ee Israa'iil, sida ay Arbacada maanta ah sheegtay Hay'adda Garoomada Diyaaradaha ee Israa'iil. Hay'addu waxay sheegtay in khasaaraha uu dhacay maalmihii la soo dhaafay. Ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan milkiilayaasha diyaaradaha. Tan iyo markii weerarrada cirka ee ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israa'iil ay ka bilowdeen Iiraan 28-kii Febraayo, taasoo keentay in gantaallo lagu rido Israa'iil oo ka imanaya Iiraan, duulimaadyada ganacsiga ayaa la joojiyay albaabka ugu weyn ee hawada ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha diyaaradaha Israa'iil ayaa sameeyay duulimaadyo ay ku soo celinayaan muwaadiniinta ku xayiran dibadda. Waxaa sidoo kale jiray duulimaadyo xaddidan oo dibadda ah, iyadoo Ben Gurion ay sidoo kale isticmaalaan ciidamada Israa'iil iyo kuwa Mareykanka. Kala bar gantaalada Iiraan ee galaya hawada Israa'iil ayaa la sheegay inay yihiin gantaallo kooxeed, kuwaas oo hawada ku furan oo ku kala firdhiya ilaa boqol "bambo" dhul ballaaran.
ISHA-AA.