(MUUQAALKA)-WASIIRKA ARR.DIBADA UK.
(LONDON/UK)-Dowladda Ingiriiska ayaa Talaadada maanta ah ku dhawaaqday inay cunaqabatayn ku soo rogi doonto maleeshiyada Xuutiyiinta iyo afar ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda sare, sababo la xiriira isku dayo lagu "wiiqaynayo xasilloonida" Bariga Dhexe iyo dagaalka ka soo cusboonaaday Yemen. Dowladda Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "ficillada Xuutiyiinta ee ka socda marin biyoodka Bab al-Mandab ay sii wadaan inay carqaladeeyaan silsiladaha sahayda adduunka iyo inay kordhiyaan cadaadiska qiimaha nolosha ee qoysaska Ingiriiska." Waxay intaas ku dartay in Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan "ay xoojiyeen weerarradooda ku aaddan kaabayaasha bulshada rayidka ah ee Sacuudi Carabiya, taasoo keentay tiro dhimasho ah, marka lagu daro inay dib u bilaabeen dagaalka gudaha Yemen." Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Ed Miliband ayaa yiri, "Gardarrada cusub ee Xuutiyiinta ay ku beegsanayaan la-hawlgalayaashayada iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waa wax aan la aqbali karin, waana in lala xisaabtamaa." Wuxuu intaas ku daray: "Kama aamusnaan doonno inta kooxaha sida Xuutiyiinta ay qaadayaan tallaabooyin kor u qaadaya qiimaha nolosha dadka Ingiriiska, iyagoo si ula kac ah isugu dayaya inay wiiqaan xasilloonida Bariga Dhexe." Miliband wuxuu carabka ku adkeeyay in ficillada ay qaadday dowladdiisu ay farriin cad u gudbinayaan Xuutiyiinta in Britain ay had iyo jeer u dhaqmi doonto difaaca qiimaheeda iyo danaheeda. Dowladda Britain waxay ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go'an tahay inay la xisaabtanto kuwa doonaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo amniga Yemen iyo gobolka, iyadoo ku celisay taageerada ay u fidiso dadka Yemen iyo hay'adaha caalamiga ah ee dalkaas laga aqoonsan yahay. Xirmadan cunaqabataynta ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa kuwa ku lug leh xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee daran, oo ay ku jiraan si xun ula dhaqanka maxaabiista Yemen ee naxariis darrada ah, bani'aadamnimada ka baxsan iyo kuwa sharaf dhaca leh.
ISHA-AW.