ABWAAN CAAN AH OO LAGU DILAY SUURIYA.
(SAWIRKA)-GAARIGA AMBULANCE.
(DAMASCUS/SYRIA)-Warbaahinta maxalliga ah ayaa Isniintii werisay in gabyaa Suuriyaan ah lagu toogtay bannaanka gurigiisa iyadoo ay rasaas ku fureen dabley xiriir la leh hoggaamiyaha Druze Hikmat al-Hijri oo ku sugan gobolka koonfurta Suwayda ee Suuriya. Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay Anwar Al-Shacir oo ku sugan tuulada Bousan ee bariga gobolka Suwayda habeenimadii Axadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya (SANA). SANA, oo soo xiganaysa ilo maxalli ah, ayaa sheegtay in weerarka ay qaadeen waxa loogu yeero "Ilaalada Qaranka," oo ah koox sharci darro ah oo lala xiriiriyay al-Hijri sababo la xiriira dhaleeceynta loo jeediyay maleeshiyadiisa. Ilo caafimaad ayaa sheegay in meydka abwaanka la keenay Isbitaalka Qaranka ee Suwayda iyadoo saddex xabadood ay ku dhaawacmeen, mid ka mid ahna uu madaxa ka dhaawacmay. Sida laga soo xigtay SANA, qoraalkii ugu dambeeyay ee uu abwaanku ku qoray baraha bulshada waxaa ka mid ahaa dhaleeceyn uu u jeediyay kooxaha sharci darrada ah, isagoo ku tilmaamay "dabada" ay ka tageen nidaamkii hore ee Suwayda. Dilkan ayaa yimid qiyaastii laba toddobaad ka dib dilkii Raed al-Mutni iyo Maher Falhout oo ahaa culimaa'udiin caan ah, kuwaas oo ku dhintay jirdil ka dib markii ay xireen koox xiriir la leh kooxaha al-Hijri. Dhanka kale, kanaalka dowladda Suuriya ee Alikhbaria, oo soo xiganaya ilo amni oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka ee Suwayda ay madaafiic ku tuureen goobaha ciidamada amniga Suuriya ee ku yaal aagga Tel Xadid ee baadiyaha Suwayda, taasoo ah xadgudub cusub oo ku yimid heshiiska xabad joojinta. Beesha Druze ee Suwayda waxay leedahay saddex maamul diimeed, kuwaas oo jagooyinkoodu mararka qaarkood kala duwan yihiin: Xikmat al-Hijri, Hammoud Yahya AL-Xinnawi, iyo Yusuf Jarbou'. Dadka raacsan AL-Xijri waxay ka kooban yihiin tiro yar mana loo arko inay matalaan bulshada Druze ee gobolka. Suwayda waxay dhaqan gelisay xabad joojin tan iyo 19-kii Luulyo ka dib dagaallo toddobaad socday oo u dhexeeyay kooxaha Druze iyo qabiillada Bedouin oo ay ku dhinteen boqolaal qof. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashar AL-Assad dabayaaqadii 2024, maamulka cusub ee Suuriya wuxuu qaaday dhowr tallaabo oo lagu soo celinayo amniga Suuriya wuxuuna ku tallaabsaday dib-u-habayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyadoo la horumarinayo isku-xidhka bulshada iyo ka shaqaynta ballaarinta iskaashiga lala leeyahay la-hawlgalayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Assad, oo ahaa hoggaamiyihii Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay Ruushka bishii Diseembar ee la soo dhaafay, taasoo soo afjartay nidaamkii Xisbiga Bacthiga, kaasoo xukunka hayay tan iyo 1963. Maamul cusub oo ku meel gaar ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Al-Sharaa ayaa la sameeyay bishii Janaayo.
XIGASHO-AA.