6-QOF OO KU DHIMATAY QARAX XOOGAN OO KA DHACAY DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA KA DHACAY.
(DAMASCUS/SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in maanta oo khamiis ah Bam lagu sii xiray maqaayad ku taal bartamaha caasimadda Dimishiq, taasoo dishay ugu yaraan lix qof, 22 kalena ku dhaawacanday, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Suuriya. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Qasriga Caddaaladda ee caasimadda, oo ah dhisme muhiim ah oo dowladeed, taasoo dhalisay argagax ka jira aagga mashquulka badan. Weriye ka tirsan Wakaaladda waraka ee AFP ayaa arkay ambalaasyo ku dhex wareegaya taraafikada iyagoo wata sireenkooda oo qaylinaya iyagoo ku sii jeeda goobta, ciidamada amnigana waxay xireen aagga qaraxa. "Qaraxa ka dhacay maqaayad u dhow Qasriga Caddaaladda ee Dimishiq wuxuu ka dhashay qalab qarxa oo lagu rakibay goobta," ayuu yiri telefishanka dawladdu, ka dib markii uu hore u sheegay in mas'uuliyiintu ay raadinayaan inay ogaadaan meesha uu qaraxa ka dhacay. Nuur Khayaat, oo 40 jir ah, oo leh dukaan iibiya baytariyada looxyada qorraxda ee u dhow goobta qaraxa, ayaa u sheegay AFP in "abbaare 3:00 galabnimo (12:00 GMT), aan maqlay qarax xooggan oo dukaanka hortiisana uu gariiray." "Dadku waxay ku ordeen makhaayadda waxayna waceen ambalaas," ayuu raaciyay. Moxammed AL-Zahabi, oo ah milkiilaha dukaan muraayadaha indhaha ah oo ku xiga maqaayadda la beegsaday, ayaa gariirayay markii uu u sheegay AFP in "ka dib qaraxa, waxaan dareemay cadaadis xooggan, goobtii oo dhanna way gariirtay." "Waxaan u orday meesha waxaana arkay dad dhulka jiifa oo dhiig ku urursan yahay hareerahooda oo dhan," ayuu raaciyay, isagoo sheegay in muuqaalladu ay xasuusinayaan qaraxyadii Dimishiq la kulmay intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ku dhawaad 14-kii sano ee la soo dhaafay.
Dimishiq waxay ahayd goobtii ay ka dhaceen weeraro iyo dhacdooyin badan tan iyo markii mas'uuliyiinta cusub ay la wareegeen xukunka ka dib markii la riday madaxweynihii muddada dheer xukumayay Bashar Assad bishii Diseembar 2024. Kii ugu dhimashada badnaa wuxuu dhacay bishii Juun 2025, markii weerar lagu qaaday kaniisad Dimishiq ku taal lagu dilay 25 qof. Weerarka ismiidaaminta ah waxaa markii dambe sheegtay koox Sunni ah oo xagjir ah, halka mas'uuliyiintu ay ku eedeeyeen kooxda Daesh.
ISHA-AN.