170-TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(SHABWA/YEMEN)-Booliska Gobolka Shabwa ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqay inay soo gaareen 170 muhaajiriin ah oo ka yimid Geeska Afrika xeebta Carqa’a ee Degmada Radhum, taasoo muujinaysa mowjad cusub oo muhaajiriin sharci darro ah oo ka gudbaya xeebta Yemen. War qoraal ah oo ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in dhammaan dadka soo gaaray ay ahaayeen muwaadiniin Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan 96 rag ah iyo 74 dumar ah. Booliska ayaa sharaxay in muhaajiriintu ay ku yimaadeen doon tahriibin ah oo lagu magacaabo "AL-Faruuq", oo ka soo ambabaxday gobolka Bari ee Dwalad Goboleedka Puntland Soomaaliya ee Geeska Afrika, waxaana Naakhuude ka ahaay afar badmaaxe oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Booliska Shabwa ayaa xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan sidii ay u qaadi lahaayeen dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si wax looga qabto qulqulka iyo soo gelitaanka Afrikaanka ee gobolka. Waxay ku nuuxnuuxsatay in tallaabooyinkani ay ujeedadoodu tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida iyo ka hortagga waxyeello kasta oo taban ama khataro amni oo ka dhalan kara mawjadaha socdaalka sharci darada ah.

XIGASHO-AA.

Next
Next

GUDOOMIYAHA G/XADARMUT EE YEMEN OO EEDEYN ADAG UJEEDIYEY IMAARAATKA.