YUU SABABSADAY GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE SOOMAALIYA?

(MUQAALKA)-MASUULIYIIN.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Maalmahaan waxa si aad ah loo karkariyaa oo debkana saaran Siyaasadda dalka Soomaaliya halka ey ku jiheysan tahay,dadka falanqeeyo Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan jihada ey u socoto Soomaaliya waqtigaan xasaasiga ah. Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya ayaa muujinaayo kuwa leh cabsi amni iyo mid jiritaanka Qaranka Soomaaliya. Weeraraada ku socdo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waa astaan leh cabsi amni, waayo kooxaha dagaalka halkaasi ka wada ayaa ah kuwa kala fikir duwan horayne aan heshiis u ahayn markii ey kuwada sugnaayeen KGS sida Ciidamadda Daraawiishta KGS ee hadda ka barbar dagaalamaya Kooxda ALshabaab,waxaane jira quwado kale aan ka muuqan goobaha la isku fara saaraayo balse dagaalka uga qeyb ah dhinacyada Dhaqaalaha(Imaarta Carabta) iyo Sirdoonka(Isra’iil), labadaan dal ayaa damacooda salka ku hayaa sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa dawladda Turkiga oo hadda si hagar la’aan ah u garab taagan DFS,balse ah mid aad u adag. Faragelinta arrimaha Soomaaliya ee dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ah mid aan qarsooneyn oo ey ogtahay cid walba oo danaysa arrimaha Soomaaliya waayo Imaaraatka Carabta oo xulafo xoogan la ah Isra’iil waxa uu saldhigyo ciidan aan qarsooneyn ku kala leeyahay Berbera oo ah Soomaaliland iyo Boosaso oo ah Puntland,waxa uuna halkaasi ka wadaa arrimo eysan jecleysan DFS kuwaaso ah inuu halkaasi keenaayo Sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD, ma jirtoo cid xaqiijin karta sheegashada DFS in Imaaraatka Carabta wadaan hawshaas balse dadka degaanadaasi degan ayaa sheegay in halkaasi uu ka jiro dhaqdhaqaaq ciidan eyna iska kaashanayaan Isra’iil iyo Imaaraatka Carabta. Dalka Imaaraatka Carabta, waxa taakulo dhaqaale oo aan kala go’o lahayn siiyaa Mucaaradka DFS ee ku mideysan daladda GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA, Golahaan ayaa ka kooban Madasha Samatabixinta iyo Hogaamiyeyaasha DG Jubaland iyo Puntland, waxaane saldhig u ah Golahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo waxa ey halkaasi ku qabtaan Shirar Jaraa’id ey ku dhaliilayaan DFS sida kan maanta ey qabteen oo kale, kaaso ey ku dhaliileen Xil ka Qaadista ey DFS ku sameeysay Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Gudoomiye Baashe ayaa xilka loo magacaabay taariikhdu markeey ahayd 27/5/2018-kii, waxaane magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uuna xilkaasi haayey sideed sano iyo shan bilood,waxaane Gudoomiye Baashe xilka laga qaaday shalay oo ey Taariikhdu ahayd 4/11/2026-ka. Hadaba su’aasha ayaa ah Maxaa keenay in xilligaan Gudoomiye Baashe xilka laga qaado? Sida ey ogaatay Warbaahinta SUUQ-BACAAD MEDIA, Gudoomiye Baashe ayaa sababsaday safar uu ku tegay magaaladda Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, waxa uuna halkaasi kula soo kulmay Hogaamiyeyaasha DG Jubaland Mudane Axmed Madoobe iyo Puntland Mudane Siciid Deni. Kulankaasi oo ey ka war heshay DFS ayaa la leeyahay waa midka soo dejdejiyey in xilka laga qaado Gudoomiye Baashe,ma jirto cid cadeyn karta sababta rasmiga ah ee keentay in Gudoomiye Baashe xilka laga qaado lana magacaabo mid cusub,balse waxaa la dareensan yahay in dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta dooneyso iney dhabar jebin ku sameeyso siyaasadda DFS ee ku aadan Doorashooyinka soo socdo kuwaaso lagu dooranaayo Golaha Baarlamaanka ee heer Federaal iyo tan Madaxweynaha. Sida ey sheegeen ilo xog-ogaal ah,Gudoomiye Baashe ayaa gacanta ku haayey dacwad ka dhan ah Wax-ka bedelka dastuurka Soomaaliya kaaso ey ansixiyeen Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya horaantii sannadkan-2026-ka. Dacwadda ayaa waxaa Maxkamada sare u gudbiyey Madaxii hore ee Madasha Samatabixinta Soomaaliya ahne Xildhibaan ka tirsan Golaha Sahacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed,go’aanka dacwadda ayaa la filaayey in lagu dhawaaqo maalinta sabtida ah ee inagu soo aadan kuna beegan 7/11/2026-ka, balse waxaa isbedel muuqda uu ku yimid hogaankii Maxkamada sare oo waxaa xilkii loo magacaabay shaqsi kale eyna aad isugu dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Shir Jaraa’id ey qabteen Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ayey ku sheegeen in xilka qaadista Gudoomiye Baashe yahay mid aan waxba ka jirin halka ey sheegeen in dacwadii la xiriirtay dastuurka Wax-ka bedelkiisa ey ku soo koobeen kaliyah in Hayadaha uu waqtigooda dhammaaday ineysan waxba ka bedeli karin dastuurka sharcine eysan ku fadhinin. Warar ayaa sheegaayo in ciidamada DFS ey tageen Xarunta Maxkamada Sare iyagoo baadi goobaayo Gudoomiye Baashe balse ey soo waayeen,lamana yaqaano sababta keentay in Gudoomiye Baashe la baadi goobo isaga oo xilkii laga qaaday. Xilka Qaadista Gudoomiye Baashe oo sababsaday dalka Imaaraatka Carabta ayaan ahayn mid isaga kaligiis ku kooban oo horay waxaa u dhacday Xil ka Qaadis lagu sameeyey Agaasimihii Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulaw. Agaasime Dhuxulaw ayaa xilka Hayadda loo magacaabay taariikhdu markeey ahayd 12/12/2024-kii,waxaane magacaabay ansixiyeyne Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda FS ka dib soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga Gudaha Senitar Fartaag. Agaasime Dhuxulaw ayaa xilka laga qaaday taariikhdu markeey ahayd 13/4/2026-ka, waxaane isla fadhigaas lagu magacabaay Agaasime cusub oo bedelay Agaasimihii hore, waane Ex.Xildhibaan Xuseen Qaasim Yusuf,kaaso ilaa hadda xilka Hayadda haayo. Sida ey qabaan amaba ey la tahay dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya, Ex.Agaasime Dhuxulaw ayaa sababsaday Hogaamiyihii Golaha ku meel gaarka ahee Koonfurta Yemen(STC) Mudane Caydaruus AL-Zubeydi, ninkaan ayaa isaga soo baxsaday dalka Yemen, waxa uuna Doon ku soo gaaray dekeda ey maamulaan Imaaraatka ee Berbera, ka dibne waxaa diyaar gaar ah oo ey iska leedahay dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta lagu keenay Garoonka Aden Cadde ee Magaaladda Muqdisho, waxa uuna uga sii gudbay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta halkaas uu ilaa hadda ku sugan. DFS,ayaa rumeysneed in Dhuxulaw uu qeyb libaax ku lahaay socdaalka Ceydaruus AL-zubeyd, waayo Dhuxulaw ayaa la sheegay inuu tegay Garoonka Aden Cadde waqtiga uu Ceydaruus ka dhoofay halkaasi.

SUUQ-BACAAD MEDIA.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHEEGAY INUUSAN KA TANASULEYN DOORASHO QOF IYO COD AH.