YAAD KA TAQAAN SOOMAALIDA MUSHARIXIINTA KA AH GOBOLKA MINNESOTA-USA?

(SAWIRKA)-MUSHARIXIINTA SOOMAALIDA AH.

(MINNEAPOLIS/MINNESOTA)-Waxaa maanta oo ah Talaado, November 4, 2025, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ka dhacaysa doorasho, haddaba Siyaasiyiinta ka qayb galaya doorashooyinkan waxaa ka mid ah oo weliba u tartamaya kuraasta ugu adag ama loogu hadal haynta baddan yahay Siyaasiyiin Soomaali ah. Musharixiinta Soomaaliyeed ee loolanka ugu jira doorashooyin ka dhacaya gobolka Minnesota ayaa kala ah:

(1)-Cumar Fatex: Senator Cumar Fatex oo ah siyaasi da'yar oo hadda ka ah Senator Gobolka Minnesota ayaa isagu u tartamaya kursiga Duqa Magaaladda Minneapolis. Cumar Fatex ayaa ah mid ka mid ah Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta ugu cad-cad ee la filayo in uu guul taariikhi ah soo hooyo.

(2)-Isaak Rooble: Musharax Isaak Rooble oo ka mid ah Ganacsatadda Gobolka Minnesota ayaa isagu u tartamaya qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 4-aad ee magaaladda Bloomington ee gobolka Minnesota.

(3)-Jamal Cisman: Jamal Cisman oo isagu hadda ah Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis. Jamal Cisman ayaa laba jeer oo hore loo doortay kursigan, wuxuuna u tartamayaa markii saddexaad.

(4)-Mohamoud Hassan (BBC): Musharax Maxamud Xasan oo loo yaqaano BBC ayaa isaguna u tartamaya hanashadda kursiga Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis. Maxamud BBC oo isagu arrimaha bulshadda u ololeeya ayaa markale u tartamaya kursigan isaga oo la tartamaya Jamal Cisman oo isagu hadda kursiga ku fadhiya.

(5)-Amin Ali (Coach Amin): Musharax Amin Cali ayaa u tartamaya Gudoonka Degmadda Stearns (Stearns County) oo ay magaaladda Saint Cloud ka tirsan tahay. Amin Ali ayaa ka mid ah hogaamiyeyaasha u dooda bulsho, waana Agaasime ka shaqeeya barnaamijyada guryaha, sidoo kale waa tababare kubadda cagta bara dhalinyarada. Tobankii sano ee la soo dhaafay waxa uu ka qayb qaatay caawinta qoysaska inay helaan guryo iyo shaqo.

(6)-C/risaaq Cali: Musharax C/risaaq Cali oo ka mid ah dhallinyaradda filimadda sameeya, bulshadda iyo dhallinyaradana wacyigeliya ayaa u tartamaya kursiga Duqa Magaaladda Hopkins ee Gobolka Minnesota. C/risaaq Cali ayaa sheegay inuu diiradda saarayo arrimaha maalinlaha ah ee saameeya deriskiisa, oo ay ku jiraan yaraanta guryaha la awoodi karo, ammaanka, waddooyinka magaaladda oo u baahan nalal baddan iyo iftiin wanaagsan, iyo dib u habeyn lagu sameynayo jardiinooyinka dadweynaha ee duugoobay.

XIGASHO-TUSMO TIMES.


Next
Next

WAA KUWEE LIXDA MADAXWEYNE EE AFRIKA UGU XUKUNKA DHEER?