YAA MUCAARAD AH OO LOO WAAYEY JAWAAB CAD.
(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka ka imanaayo caasimadda Muqdisho gaar ahaan HOTEL-KA DECALE ee ku yaallo gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ayaa sheegaayo in muddo dhan ilaa 10 maalmood ah dib u dhacay wada hadaladii u dhexeeyey Mucaaradka ku mideysan Daladda Golaha Mustaqbaka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay dhex-dhexaadinaysay dawladda Turkiga, dib u dhacani waxa uu yimid ka dib markii ay Golaha Mustaqbalku ku dooday in Ex.Mw.Madaxweyne Farmaajo shirka kaga soo qayb galo magaca Golaha Mustaqbalka qaybna uu ka yahay. Ex.Mw.Farmaajo ayaa cadeeyey in aanu ka mid ahayn Golaha Mustaqbalka Soomaaliya isaga oo iska diiday wararka been abuurka ah ee sheegaya in uu shirka kaga soo qaybgalayo magaca Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dhinaca kale warar ayaa sheegaayo in Ex.Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo inuu shirka uga qeybgalo magaca Xisbigiisa ee Nabad iyo Nolol, waxa eyna ayna gudbiyeen magacyada xubnaha uga qayb galaya shirkan wadahadalada ee Turkidu dhex-dhexaadinayso. Dhanka kale, Golaha mustaqbalka ayaan ilaa hadda isku raacin xubnaha uga qaybgalaya shirka, taasina waxay keentay in wafdigii Turkigu ay soo koobaan safarkii ay dalka ku joogeen iyaga oo Golaha Mustaqbalka u sheegay in 10 bari ay haystaan lagana sugayo xubnihii uga qayb gali lahaa shirka. Waxaa jira warar kale oo iyagana sheegaayo in Golaha mustaqbalku aad uga feejiganyihiin, waa Haddii ay Ex.Mw.Farmaajo u ogolaadaan in lagu soo daro wadahadallada, waxaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ku furmaya Albaab kale oo ah in Ex.Rw.Cali Maxamed Geedi, Ex.RW.Cumar Abdirshaiid iyo Ex.Wsaiir Daahir Geelle lagu soo daro wada-xaajoodyada waana qorshaha ay dooneyso Villa Somalia. Shirkii maanta wuxuu dib ugu dhacay horayna ugu socon waayay in la isku fahmi waayay "YAA MUCAARAD AH"?Waan taas tan keentay in dawladda Turkiga ey xalka arrinta Doorashooyinka Soomaaliya u ballamiso muddo kale. Golaha Mustaqbalku ayaa ku doodaya in Ex.Mw.Farmaajo uusan ku laheyn wax tallo ah halgankii iyo jid-kii muddada soo socday ee looga soo horjeeday damaca Muddo kororsiga Mw.Dr.Xasan Sheekh Maxamud sidaa darteedna ay Mucaarad rasmi ah u yaqaanaan xubnaha ku mideysan Golaha Mustaqbalka. Wakiillada beesha caalamkuna waxay u arkaan Ex.Mw.Farmaajo in uu yahay Madaxweyne dalkaan soo maamulay oo ay muhiim tahay in laga qeybgaliyo wadahadalka doorashooyinka dalka, halka Villa Somalia ay qodobkan ka dhex aragto fursad ay iyaduna Miiska soo saaran karto dhamaan qolo kasta oo xisbiyo leh si loogu soo daro wadahadalka murashaxiin sida Musasharaxa burka iyo Ex.Reysal Wasaare Saacid oo isag hadda ah Hogaamiyaha Xisbiga Haybad Qaran lana midoobay Xisbiga kale Xaqsoor ee uu hogaamiyo C/raxmaan Ceynte oo xubin furfircoon ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Isku soo wada duub arrintaan ayaa ah mid culeys badan ku keeneyso Mucaaradka reer Muqdisho oo shalay qoraga u qaatay Walaakooda Dr.Xasan Sheekh Maxamud Maanta xaalku taagan yahay kursiga kaligiin ma lihiide waa la idinla leeyahay, tani waa cashar wax ey ka baran karaan Mucaaradka afartii sanaba Muqdisho looga dhawaaqaayo si loo dumiyo dawladda markaasi taagan ee shaqada wada loona keeni lahaa mid aan la ogayn waxqabadkeeda.
ISHA-SUUQ-BACAAD MEDIA.