YAA DILAY MAXAASE LOO DILAY LUNA AL-SHIBL?
(SAWIRKA)-LUNA SHIBLE IYO BASHAAR AL-ASAD.
(DAMASCUS/SYRIA)-Warar gaar ah oo laga helay Caalamiga ah ee AL-Carabya, oo uu baahiyay Wariye Shadi Xalawa oo u janjeera nidaamka Suuriya , ayaa shaaca ka qaaday eedeymo la xiriira duruufaha dilkii Luna AL-Shibl, oo ahayd la-taliyahii hore ee Warbaahinta ee Qasriga Madaxtooyada Suriya, taasoo muujinaysa in la dilay ka hor inta aysan shaacin waxa lagu tilmaamay "sirro khatar ah" oo la xiriira Bashar AL-Assad. Sida laga soo xigtay xogta la helay, howlgalka lagu joojinayo hubka ayaa ka yimid amar toos ah oo uu bixiyay Assad isagoo adeegsanaya Mansuur Cazaam, oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Madaxtooyada, kaasoo lagu tilmaamay "sanduuqa madow ee Madaxweynaha Suuriya". Macluumaadka ayaa sheegaya in Cazaam uu la xiriiray AL-Shibl oo uu ka codsaday inay timaado Qasriga ka hor dilkeeda, waxaana sidoo kale laga codsaday inay lammaaneheeda geyso gurigeeda. Daah-furkan ayaa lagu sheegay in gabadha yar madaxa laga garaacay ilaa ay ka dhimatay, ka hor inta aan la shaacin geerideeda, waxaana la sheegay in si rasmi ah loogu dhigay qaybta daryeelka deg degga ah ka dib markii ay hore u geeriyootay. Waxay sidoo kale tilmaantay in aaskeeda si ula kac ah loo maareeyay dayacaad.
XIRIIRKA XOOGAN EE LALA YEESHAY RUUSHKA.
Xaalad la mid ah, warbixinnada sirta ah ayaa ka hadlay iskahorimaadyo gudaha ah oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, iyagoo xaqiijiyay in Shibl ey xiriir xooggan la laheed Ruushka, iyo in Asma AL-Assad ay soo faragelisay si ay u joojiso saameynteeda oo ay uga xayuubiso waajibaadkeeda warbaahinta. Waxaa sidoo kale la sheegay inay lacag uu leeyahay Assad u wareejinaysay Ruushka.
LUUNA AL-SHIBL”JAAJUUS”.
Macluumaadka ayaa taabanayay eedaha Iiraan ee loo jeediyay AL-Shibl iney ahayd "basaasad," marka laga soo tago in walaalkeed lagu dilay dacwado ku saabsan basaasnimo Israa'iil. Waxaa sidoo kale la sheegay in AL-Shibl laga joojiyay shaqadeeda wax yar ka hor dilkeeda. Xogta la helay waxaa sidoo kale ku jiray tixraacyo ku saabsan doorka ganacsade Xusaam AL-Qatirji uu ku lahaa dhoofinta shidaalka meelaha ay maamulaan ISIS iyo Ciidamada Dimuqraadiga Suriya una gudbiyo meelaha ey maamulaan dawladda.
XIGASHO-AA.