XULKA K/CAGTA TANZANIYA U-20 OO KA DKAADAY KAN BURUNDI
(MUUQAALKA)-KUANKII SEMI-FINALKA.
(DARE-SALAM/TANZANIA)-Xulka Qaranka dalka Tanzania ayaa u soo baxay Koobka Qaramada Afrika ee 2027 ee CAF U-20 Africa Cup of Nations (AFCON). Kooxda Ngorongoro Boys ayaa booskeeda xaqiijisatay ka dib markii ay (2-0) ku dhufteen Burundi ciyaartii labaad ee semi-finalka ee isreebreebka CECAFA Zona-l oo lagu ciyaaray garoonka Uhuru Stadium ee Dar es Salaam Talaadada maanta ah. Juma Abushiri ayaa hogaanka u dhiibtay Tanzania 17 daqiiqo ka dib markii goolhayaha Burundi Omari Niyonkuru uu ku guuldareystay inuu kubadda qaloocan ka saaro koorno 1-aad. Kooxda Burundi oo ku guuleysatay dhammaan labadii kulan ee ay ciyaartay wareega group-yada ayaa isku dayday inay hore u socoto, laakiin daafacyada Tanzania ayaa si adag u istaagay. Tanzania ayaa sii kordhisay hogaanka ciyaarta ka dib markii Faraji Kayanda uu magaciisa ku helay shabaqa daqiiqadii 33aad markii uu kubad ka soo tuuray meel u dhow goolka ka dib weerar degdeg ah oo uu soo qaaday. Ka dib nasashada, kooxda Burundi waxay u beddeshay qaab ciyaareedkooda xeeladeed waxayna bilaabeen inay abuuraan fursado badan oo goolal lagu dhaliyo. Goolhayaha Tanzania Shabani Bakari ayaa sameeyay badbaadino wanaagsan si uu Burundi uga hor istaago fursad kasta oo ay goolal ku heli karto. Tanzania hadda waxay ku biirtay Burundi Koobka Qaramada Afrika ee 2027 ee TotalEnergies CAF U-20 Africa Cup of Nations (AFCON) iyagoo matalaya Golaha Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA). Labada kooxood ayaa Khamiista isku arki doona si ay u go'aamiyaan cidda ku guuleysan doonta koobka gobolka. Isreebreebka gobolka waxaa soo qeybgalay sagaal kooxood oo kala ah “Tanzania, Uganda, Sudan, Ethiopia, Burundi, South Sudan, Djibouti, Kenya iyo Rwanda”.
ISHA-CECAFA.