XUKUUMADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY INEY WAX KA BEDELEYSO QAABKA SHAQAALEYNTA.

(MUUQAALKA)-GOLAHA WASIIRADDA DFS.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad farqadda (1), Sharciga Shaqaalaha Rayid ah qodobkiisa 7aad, iyo dhammaan xeerarka, shuruucda iyo qaraarada la xiriira Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladdda Federaalka ah, ayuu faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa, ayaa faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1aad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada maadama ay laf-dhabar u yihiin maamulka hey’adaha dowladda ayna door muuqda ka qaataan hoggaaminta, hirgalinta siyaasadda, fulinta qorsheyaasha iyo joogtaynta shaqada hey’adaha. Marka la hirgaliyo wajiga 1-aad waxaa dib-u-habayn lagu samayn doona Agaasimayaasha Guud ee hey’adaha dowladda iyada oo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad, si loo dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh isla-xisaabtan leh oo ka shaqeeya natiijooyin muuqda. Mudane Xamsa, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ay tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Afartii sano ee la soo dhaafay, Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hay’adaha dowladda, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo hay’ado dowladeed oo leh saldhig sharci iyo maamul adag iyo Shaqaale Rayid ah oo leh aqoon, karti iyo karaan ku filan gudashada waajibaadka saaran. “Waxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hay’adaha ee lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah, Waxa aan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Ugu Dambayn, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray dhammaan Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda In si buuxda loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada hay’adaha ee la ansixiyey, iyada oo xilalka Agaasime Waaxeedyada lagu buuxinayo hannaan tartan furan, dhammaan shaqaalaha u qalma ee ku jira adeegga rayidka ah la siiyo fursad loo siman yahay oo ay ugu tartamaan xilalkaas, iyo In wixii xil ama jago bannaan ah ee shaqaalaha dowladda ah lagu buuxiyo hannaan tartan furan oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.

ISHA-SNTV.

Next
Next

NINKI WEERARAY XILDHIBAANAD ILHAN CUMAR OO MAANTA LA XUKUMAY.