XUBNAHA BARLAMANKA CUSUB EE G/MUDUG OO LA DHAARIYEY.
(MUUQAALKA)-BARLAMANKA G/MUDUG.
(DH/MAREEB/GALMUDUG)-Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa la dhaariyey, iyadoo Maxamed Sheekh Axmed uu si ku-meel-gaar ah ula wareegay hoggaaminta baarlamaanka, kaddib markii uu noqday xubinta ugu da’da weyn golaha oo ka kooban 89 mudane. Maxamed Sheekh Axmed ayaa xilkan si ku-meel-gaar ah u qabanaya ilaa laga soo dooranayo guddoonka rasmiga ah ee baarlamaanka. Sida ku cad jadwalka doorashada, doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa ayaa la filayaa inay dhacdo 18-ka Oktoobar, halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug loo asteeyey 22-ka Oktoobar 2026. Baarlamaanka cusub ayaa lagu soo doortay doorasho dhacday 30-kii Sebtembar 2026, kaddib markii Maxkamadda Sare ay burisay doorashadii hore ee 30-kii Luulyo, iyadoo sabab uga dhigtay in aan loo marin habraacyadii dastuuriga ahaa iyo shuruudihii looga baahnaa doorasho xor iyo xalaal ah. Hase yeeshee, doorashadii ku celiska ahayd ayaa iyaduna dhalisay muran siyaasadeed, kaddib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka reebay xisbiga Towfiiq, kaas oo markii hore maxkamadda u gudbiyey dacwaddii sababtay in doorashadii hore la buriyo. Natiijada doorashada ayaa guul weyn u horseedday Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada (JSP), kaas oo helay 67 kursi oo ka mid ah 89-ka kursi ee baarlamaanka, taas oo sii xoojisay awoodda siyaasadeed ee xisbiga talada haya. Marka la doorto guddoonka rasmiga ah ee baarlamaanka, waxaa xigi doona doorashada hoggaanka sare ee Galmudug. Xisbiga JSP ayaa musharrax keliya u magacaabay xilka madaxweynaha, kaas oo ah Libaan Axmed Xasan, waxaana la filayaa inuu helo taageerada aqlabiyadda baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, hannaanka doorashada cusub ayaa weli wajahaya su'aalo la xiriira hufnaanta, ka-qaybgalka siyaasadeed iyo tartanka xisbiyada, gaar ahaan muranka ka dhashay ka-reebidda xisbiga Towfiiq.
ISHA-HOL.