Xilka Qaadis…
Tan iyo markii uu barlamaanka xilka ka qaaday R/W-re Khayre 25/7/2020-ka waxaa isa soo taraayey warar sheegaayo in masuuliyiin iyo saraakiil ciidan lagu sameeyn doono xilka qaadis iyo shaqa joojin waxaane sabab looga dhigay ineey xiriir fiican la lahaayeen R/W-khayre,maalin ka dib markii kalsoonida laga laabtay R/W-khayre kuna beegneed 26/7/2020-ka ayaa waxaa la dalacsiiyey saraakiil ka tirsan ciidamadda booliska soomaaliyeed saraakiishaas la dalacsiiyey ayaa kala ah:
1-Gaashaanle C/fataax oo ah taliyaha saldhiga booliska ee garoonka Aadan cadde,waxaane loo dalacsiiyey darjadda gaashaanle dhexe.
2-Dhamme C/raxmaan Maxamuud Cumar’AAR”ahne taliye ku xigeenka saldhiga booliska ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,waxaane loo dalacsiiyey darajadda Gaashaanle.
3-Dhamme Saadaq Duudishe ahne afhayeenka ciidamadda booliska soomaliyeed ayaa loo dalacsiiyey darajadda ah Gaashaanle.
4-Dhamme Axmed Ciise Axmed ahne sarkaal ka tirsan ciidamadda booliska ayaa loo dalacsiiyey darajadda gaashaanle.
Hadaba dalacsiintaas la sameeyey maalin uun ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyey R/W-khayre ayaa waxaa ka dhashy su’aalo fara badan una baahan in loo helo jawaab,laakinse jawaabihii la filaayey oo ah in saraakiisha la dalacsiiyey loo diyaariyey ineey qabtaan xilal laga qaadi doono saraakiil ka tirsan booliska kuwaaso gacan saar la lahaay R/W-khayre,waxaane maanta oo ah isniin kuna beegan 27/7/2020-ka ayaa waxaa soo baxay war sheegaayo in xilkii laga qaaday taliyaha booliska gobolka banaadir Gashaanle sare Saadaq Cumar Xasan loona yaqaano(Saadaq Joon) mana la sheegin cidda lagu bedelaayo. Saadaq ayaa ah sarkaalka booliska ah ee ugu awooda badan gudaha gobolka banaadir tan iyo markii laga soo wareejiyey Nisa,waxaane Saadaq lagu xusuusta doorkii uu ka qaatay qarintii qaraxii ka dhacay xarunta dawladda hoose ee xamar 24/7/2019-kii,qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday masuuliyiin fara badan uu ka mid yahay gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir isla markaasne ahaay duqii caasimadda Muqdisho AUN-Eng.Yariisaw waxaane qaraxaas lagu hoobtay maanta laga joogaa hal sano iyo seddex maalmood mana jirto cid loo soo qabtay wixii u sahlay ineey gudaha u gasho xarunta aadka loo ilaaliyo ee dawladda hoose ee xamar gebertii ismiidaamisay ayadoo eey ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa,dhinaca kalane waxaa la sheegaa in Saadaq Joon ahaay sarkaalkii amray in la nadiifiyo goobta qaraxa ka dhacay ka hor inta eeysan imaan hayadaha dembi baarista lana fujiyo kaamerooyinka qarsoon CCTV-da ee yiilay halka uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ah si aan loo helin wax raad ah kuna saabsan qaraxa,waxaane kaameradda CCTV-da la sheegay in la geeyey xafiiska R/W-khayre,ciidamadda amaanka ayaa weli soo saarin wax natiija ah kuna saabsan qaraxaas.
Gaashaanle C/fataax Bashiir ahne taliyaha saldhiga booliska ee garoonka Aadan Cadde ayaa laguna tuhunsan yahay inuu yahay nin wax badan ka og amaba xogogaal u ah dilkii ka dhacay xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane,waxaane dilkaas loo gaystay geberta la yiraahdo Almaas Elman taariikhdu markeey ahayd 20/11/2019-kii,mana la haayo ciddii gaysatay dilkaas welina waxaa socdo baaritaankii,waxaase la tuhmaa in dilkaas eey ka dambeeyeen ciidamadda sirdoonka DFS ee NISA, waxaane la rumaysan yahay in dalacsiinta C/fataax iyo xilka qaadista lagu sameeyey Saadaq Joon leeyihiin xiriir ah in C/fataax loo wado inuu noqdo taliyaha booliska gobolka banaadir goor dhawne la soo saari doono wareegtadii lagu magacaabaayey.